Muqdisho (Caasimada Online) — Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa diyaarinaysa dalab culus oo ay u gudbinayso Baarlamaanka Federaalka, kaasi oo ku saabsan in xasaanadda laga qaado xildhibaanno dhowr ah oo lagu eedeeyay inay gacan-saar la leeyihiin maleeshiyaad beeleed ku lug leh dagaallo dhiig ku daatay oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.
Tallaabadan ayaa noqon karta imtixaan weyn oo lagu eegayo hufnaanta nidaamka isla-xisaabtanka sharciga ah ee mas’uuliyiinta la doortay.
Ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada, Gaashaanle Dhexe Axmed Xaaji Cabdullaahi Kamey, ayaa sheegay in baarayaashu ay gacanta ku hayaan caddaymo xooggan oo muujinaya in xildhibaanno aan magacyadooda la shaacin ay maleeshiyaadkaas ku taageereen dhaqaale, hub, iyo rasaas, isla markaana ay baraha bulshada si furan uga difaacaan falalkooda.
Sarkaalka ayaa intaas ku daray in mas’uuliyiintan la aaminsan yahay inay xiriir la leeyihiin labada dhinac ee ku hardaamaya deegaannada Wanlaweyn iyo Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose.
“Waxaa jira mas’uuliyiin ku gabanaya xasaanadda baarlamaanka oo maleeshiyaadka ku taageera hub, lacag iyo garab-siin dadweyne, oo ay ka mid tahay inay baraha bulshada ku difaacaan,” ayuu yiri Gaashaanle Kamey oo ku sugnaa deegaanka Yaaqbariweyne ee hoostaga degmada Wanlaweyn.
Caddaymaha ay soo ururiyeen xeer-ilaaliyayaashu ayaa la sheegay inay si toos ah u xiriirinayaan xildhibaannada iyo hawlgallada maleeshiyaadka, kuwaas oo huriyay isku-dhacyo soo noqnoqday, hakad geliyay isku-socodka gaadiidka, isla markaana sii kiciyay xiisadaha beelaha ee Koonfurta Soomaaliya.
Kamey ayaa xaqiijiyay in faylasha caddaymaha loo gudbin doono Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddiga Anshaxa ee Baarlamaanka, si loogu ogolaado in xasaanadda laga xayuubiyo mas’uuliyiintaas ka hor inta aan maxkamad la soo taagin.
Sida uu qabo dastuurka iyo nidaamka sharciga ee Soomaaliya, Xildhibaannada lama hor geyn karo maxkamad ilaa uu Baarlamaanku marka hore ka qaado xasaanadda ay ku dhex joogaan golaha.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay labadii sano ee la soo dhaafay sare u qaadday dadaallada lagu xakameynayo kooxaha hubaysan ee ku saleysan qaba’ilka, kuwaas oo lagu eedeeyay dilal ka dhacay inta u dhaxaysa Wanlaweyn iyo Yaaqbariweyne. Maalintii Sabtida, Maxkamadda Ciidamada ayaa xukunno dil iyo xabsi isugu jira ku ridday xubno ka tirsan maleeshiyaadkaas oo lagu helay inay qayb ka ahaayeen weeraradaas.
Dhaq-dhaqaaqan ka dhanka ah xildhibaannada ayaa calaamad u ah sida ay dowladda uga go’an tahay dhaqangelinta isla-xisaabtanka iyo ka hortagga in mas’uuliyiinta qaranku ay huriyaan colaadaha gudaha.
Haddii la ansixiyo, kiiskan wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah isku-dayadii ugu horreeyay ee lagu maxkamadeeyo xildhibaanno xil haya oo lagu eedeeyay inay gacan siinayaan maleeshiyo beeleed, taasoo dhidibbada u aasi karta tusaale sharci oo xoojiya sarreynta sharciga ee Soomaaliya.

