26.1 C
Mogadishu
Wednesday, November 26, 2025

Oday 80 jir ah oo si arxan darro ah loogu dilay Hiiraan

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo kale oo argagax leh oo maanta ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan, kadib markii halkaas si arxan darro ah loogu dilay oday waayeel ah oo 80 sano jir ahaa.

Dilka oo qorsheysnaa ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka deegaanada Xalfooley ee gobolka Hiiraan, una dhow xadka gobolkaasi uu la wadaago Shabeellaha Dhexe.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nuur Xaale Jimcaale, waxaana dilkiisa lala xariiray aargoosi aano qabiil oo ka taagan halkaasi, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Wararka aan heleyno ayaa intaasi kusii daraya in dilka waayeelkan ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan oo la sheegay inay ka yimaaeen dhanka deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo goobta degd-eg uga baxsaday.

Dadka deegaanka ayaa si weyn uga walaacsan dilka loo gaystay odeyga 80 jirka ah, waxaana xiisad la xiriirta dilkiisa haatan laga dareemayaa inta u dhexeysa deegaanada Xalfooley iyo Ceelbaraf oo kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi dilka ah iyo xiisadda ay sababtay ee ka taagan deegaanka Xalfooley.

Falkan argagaxa leh ayaa la sheegay inuu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ka taagan qaybo kamid ah deegaannada HirShabelle, kuwaas oo marar badan soo laa laabtay.

Si kastaba, ha’ahaatee dilalka loo gaysanayo dadka birimageedada ah ayaa maalmahan kusoo badanayay gobollada dalka, waxayna siyaabo kala duwaan uga dhaceen Galgaduud, Shabeellaha Hoose iyo deegaanno kale oo lagu dilay carruur, haween iyo dad da’ah.

- Advertisement -

Read more

Local News