Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland, Mudane Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka falceliyay hadal maanta kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh oo ahaa in Al-Shabaab ay qaadan karaan kaarka aqoonsiga ee Hay’adda NIRA.
Caydiid ayaa si weyn uga horyimid hadalkan, wuxuuna sheegay in cid kasta oo qaadata kaarka NIRA ay u aqoonsan doonaan cadow, ayna xiri doonaan, sida uu hadalka u dhigay
“Haddaba ciddii kaarka NIRA qaadata annagu haddii aynu Puntland nahay cadow ayaan u naqaan, Al-Shabaab haddii Xasan ku baaqay NIRA kaarkeedana inay qaadato waa cadow, qofkii lagu arkana waa cadow, waana xarig” ayuu yiri Wasiir Caydiid.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Kaarka NIRA ebel sharci darro ayuu ku yimid wax Soomaali isku raacsaneyd maaheyn, Xasana isagaa hadda Madaxweyne ah isagaana sheegtay inuu Al-Shabaab kaarka siinayo”.
Sidoo kae, wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab ay ka dhexeyso wada shaqeyn, isla markaana aysan daacad ka hayn dagaalka socda, sida uu hadalka u dhigay.
“Dowladda Federaalka iyo Al-Shabaab waa wada shaqeystaan, haddii aysan wada shaqeyn maxaa loo soo afjari waayay kooxda” ayuu ma kale yiri Wasiirka Maxamuud Caydiid Dirir.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo oo maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb-galay shirweynaha labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo lagu soo gabagabeeyay teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho uu sheegay in xubnaha Al-Shabaab loo ogolyahay in ay qaataan kaarka, ayna ogyihiin in ay soo dirsadaan dad, sidaasna ay ku qaataan.
Madaxweynaha ayaa soo jeediyay in lasiiyo kaarka, lana diiwaangeliyo farahooda iyo wajigooda, isaga oo ku dooday in yihiin muwaadiniin Soomaali ah oo argagixiso noqday.
“Shabaab oo dhan maraduu doono iyo xijaab hasoo qaato kaarka ha qaato ha’is diiwaangeliyo farihiisa, wajigiisa hala diiwaangeliyo hala arko” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay taqaano sida loola dagaalamo argagixisada, ayna ka go’an tahay inay ka qabato Ummadda Soomaaliyeed.
“Muwaadin Soomaali ah oo la yaqaano, balse argagixiso noqday waayay muwaadinimada Soomaalinimada weli kama bixin, argagixise ayuu noqday dadka Soomaaliyeed ayuu col ku yahay, si looga qabto waa la yaqaanaa” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

