28.2 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Turkiga oo xiray basaasiin u shaqeynayey Imaaraadka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Istanbul (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Istanbul ayaa Talaadadii shaaciyey in laamaha ammaanka Turkigu ay xabsiga u taxaabeen saddex qof, kuwaas oo lagu tuhmayo inay u shaqeynayeen sirdoonka Imaaraadka Carabta.

Xafiiska ayaa sheegay in eedaysanayaashaas lagu helay inay ku hawlanaayeen ururinta xogta shakhsi ahaaneed ee mas’uuliyiin haya xilal xasaasi ah, iyagoo adeegsanaya lambar taleefan oo laga diiwaangeliyey gudaha Turkiga.

Bayaanka xeer-ilaalinta ayaa lagu yiri: “Waxa la xaqiijiyey in xubno ka tirsan sirdoonka Imaaraadku ay lambar ka heleen shirkad isgaarsiin oo maxalli ah, kadibna ay samaysteen aqoonsiyo been abuur ah si ay u helaan macluumaadka taariikh-nololeedka shakhsiyaad ka hawlgala xarumo halbowle u ah dalka.”

Sida warbixinta lagu xusay, beegsiga basaasnimadan ayaa diiradda lagu saarayey maamulayaasha shirkadaha warshadaha gaashaandhigga, khad taleefan oo ay isticmaasho Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo weliba wakiillo shisheeye oo dalka ku sugan.

Baaritaanka ayaa daaha ka rogay in afar qof ay ku lug lahaayeen soo iibinta iyo dhoofinta kaarka taleefanka oo loo gudbiyey Imaaraadka si loogu wareejiyo sarkaal sirdoon, iyagoo kooxdani ay wada-xiriir joogto ah lahaayeen.

“Hawlgal qorsheysan oo maanta la fuliyey ayaa lagu soo qabtay saddex kamid ah eedaysanayaasha, laguna soo qabtay caddeymo la xiriira dembiga, halka eedaysanaha afraad oo dalka dibaddiisa ku maqan loo jaray waaran soo qabasho,” ayuu raaciyey xafiiska xeer-ilaalintu.

Isbeddel deg-deg ah iyo ka laabasho

 Si kastaba ha ahaatee, saacado kooban kadib markii warkaasi soo baxay, arrintu waxay yeelatay waji cusub. Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa bilaabay inay la xiriiraan warbaahinta kala duwan, iyagoo ka codsanaya in warkaas laga saaro hawada maadaama, sida ay sheegeen, uu xambaarsanaa macluumaad aan sax ahayn.

Intaas kadib, xafiiska xeer-ilaalinta ayaa bartiisa rasmiga ah ee X ka tiray bayaankii hore, wuxuuna soo saaray qoraal cusub oo gebi ahaanba meesha ka saaraya xiriirkii arrintu la laheyd Imaaraadka.

Fiidnimadii caawa, xafiiska ayaa soo saaray faahfaahin kale oo lagu caddeynayo mowqifka cusub:

“Sida aan ka soo xignay ilo dhanka ammaanka ah oo la xiriira baaritaanka basaasnimada ee maanta la shaaciyey, waxa la xaqiijiyey in eedaysanayaashu aysan wax xiriir ah la lahayn dowladda Imaaraadka Carabta.”

Turkiga iyo Imaaraadka ayaa boggooda xiriirka dib u furay sanadkii 2021-kii kadib wadahadallo dheer oo lagu dhameeyey khilaafkii gobolka iyo kii labada dhinac ee ka dhashay kacdoonkii Guga Carabta. Xiriirkan cusub ayaa lagu xoojiyey heshiis ganacsi xor ah, is-afgarad maalgashi, iyo safarro heer sare ah oo ay is-weydaarsadeen madaxda labada dal.

Hase yeeshee, bilihii u dambeeyey, colaadda ka aloosan dalka Suudaan ayaa u muuqata mid dib u hurisay qaar kamid ah xiisadihii hore. Imaaraadka ayaa taageero u fidiya xoogagga gurmadka degdegga ah (RSF), halka ciidanka milatariga Suudaan uu sanadkii la soo dhaafay xiriir iskaashi oo dhow la yeeshay Ankara.

Saraakiisha Turkigu waxay ku adkaysanayaan in xiriirka kala dhexeeya Imaaraadku uu yahay mid saaxiibtinimo, isla markaana ay jirto is-faham ah in arrimaha la isku hayo si gaar ah loo xalliyo iyadoon la dhaawacayn xiriirka guud.

Dalka Turkiga ayaa sanadihii dhowaa xabsiga u taxaabay dad badan oo lagu eedeeyey inay u basaasayeen sirdoonno shisheeye, kuwaas oo ay kamid yihiin Israa’iil, Ruushka iyo Iiraan. 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News