Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Mustafa Sheekh Cali Duhulow ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş.
Kulanka ayaa ka dhacay xarunta safaaradda dowladda Turkiga ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu booqasho ku tegay Mustafa Dhuxulow, halkaas oo lagu soo dhaweeyay.
Labada dhinac ayaa kulankooda diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee ku aaddan maamulka socdaalka iyo amniga xuduudaha.
Safiirka Turkiga oo madasha ka hadlay ayaa ballan qaaday in dowladdiisa ay xoojin doonto taageeridda awoodda farsamo ee lagu horumarinayo nidaamka socdaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, wuxuu taageeray horumaradda uu Agaasimaha Guud ku hoggaamiyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, oo maalmihii u dambeeyay soo kordhisay adeegyo cusub oo muhiim ah.
Dhankiisa, agaasime Mustafa Duhulow, ayaa uga mahadceliyay danjiraha soo dhawaynta diirran, isagoo tilmaamay in wada-shaqayn wanaagsan kala dhaxayso safaaradda, ayna sii wadi doonaa labada dhinac.
Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in ay ka go’an tahay fududeynta adeegyada dalku-galka, deggenaanshaha, iyo habraacyada kale ee muwaadiniinta Turkiga ee u socdaalaya ama ku sugan Soomaaliya.
Kulankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dood xooggan ay ka taagan tahay nidaamka cusub ee fiisaha elektaroonigga ah ee e-Visa ee ay soo kordhisay dowladda Soomaaliya, kaas oo ay diidmo kala horyimadeen Somaliland iyo Puntland oo uu sameeyay go’aankaasi.
Si kastaba, Turkiga oo haatan taageero u muujiyay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka ayaa ah saaxibka dhow ee Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dhinacyo kala duwan.


