Garoowe (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay go’aan xasaasi ah oo Talaadadii kasoo yeeray maamul-goboleedka Puntland, kaas oo ku aadan qaadasha kaarka Aqoonsiga Qaranka NIRA ee ay bixiso dowladda federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Mudane Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa sheegay in cid kasta oo qaadata kaarka NIRA ay u aqoonsan doonaan cadow, ayna xiri doonaan, sida uu hadalka u dhigay
Caydiid ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in Al-Shabaab ay qaadan karaan kaarka aqoonsiga ee Hay’adda NIRA.
“Haddaba ciddii kaarka NIRA qaadata annagu haddii aynu Puntland nahay cadow ayaan u naqaan, Al-Shabaab haddii Xasan ku baaqay NIRA kaarkeedana inay qaadato waa cadow, qofkii lagu arkana waa cadow, waana xarig” ayuu yiri Wasiir Caydiid.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Kaarka NIRA ebel sharci darro ayuu ku yimid wax Soomaali isku raacsaneyd maaheyn, Xasana isagaa hadda Madaxweyne ah isagaana sheegtay inuu Al-Shabaab kaarka siinayo”.
Haddaba sidee looga fal-celiyay go’aanka ay Puntland ka qaadatay kaarka NIRA?
Iftin Aadan: “Ninkan go’aan ma lahan miyaa horta waa tuu lahaa NIRA ma rabno waa kaar siyaasadeed muxuu ka raba ciddii dooneyso ha la siiyee”.
Xasan Maxamed: “Qofka nuucaas u hadlaaya haddii uu dhul Soomaaliyeed mas’uul ka yahay walee dal iyo dadba waa nidaam guuuray”.
Saadaq Shakaal: “Waan ogaa inaan hadalka madaxwaynaha maangaabtu fahmayn”
Iqro Maxamed Saciid: “Reer Puntland dhammaantood ninkaan maa masuul ka ah?”.
Cabdiraxmaan Xasan: ” Af xume colaad wax kaagama tarto nabadna waa kaa fogeysaa. War ninkaan wax ceshta malahan miyaa dadkaan biri ayagoo heshiis ah ayaa la arkin doonaa”.
Cabdiraxmaan Sheekh: “Somalia allaa u maqan dad wada waaalan baa madax u ah”.

