Cape Town (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya muwaadin Soomaaliyeed oo habeenimadii xalay lagu dilay deegaanka Philippi oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalo Xeebeedka Cape town.
Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Xasan, waxaana burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaas ay ku fureen rasaas.
Allaha u naxariistee, Cabdi Xasan ayaa markaas ku sugnaa dukaankiisa ganacsi, iyadoo dableydii dilka geysatay ay goobta ka baxsadeen isla markiiba.
Ciidamada Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadadu ahaydna baaritaanno ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka.
Inkastoo boolisku sheegay inuu bilaabay baarista kiiskan dilka, haddana ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay falkaas.
Magaalooyinka dalka Koonfur Afrika waxaa si joogto ah uga dhaca weerarro isugu jira dilal, dhaawacyo iyo dhac loo geysto dhalinyarada Soomaaliyeed ee halkaas ka ganacsada.
Dowladda Koonfur Afrika ayaa mar kasta sheegta inay wax ka qabanayso dhibaatooyinka heysta Soomaalida ku nool waddankaasi, balse weli ma muuqato qorshe cad oo looga hortago weerarrada iyo tacaddiyada lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed.
Si kastaba, ha’ahaatee mar kasta oo la gaaro dhammaadka sanad welba waxaa si aad ah u kordha dilalka iyo boobka loo geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Koofur Afrika, kuwaas oo wajahaya halis uga imaaneysa burcadda Koonfu Afrikaanka ah

