28.7 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday dhismaha ciidanka heeganka bariga Afrika

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa xarunta Villa Hargeysa ku yeeshay kalfadhigii 15-aad ee todobaadka, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), kaas oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin dhismaha Ciidanka Heeganka Bariga Afrika.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waaa soo aadiray 140 xildhibaan, waxaana ajendahiisu ahaa akhrinta labaad ee Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka Bariga Afrika, kaasoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya.

 

Heshiiskan ayaa horey akhrinta koowaad u maray, waxaana ka shaqeeyey Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo kaashanaya Guddiga Difaaca.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa ka dooday qodobada ku jiraheshiiska, iyagoo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga weydiiyey su’aalo ku saabsan muhiimadda iyo ahmiyadda uu dalka u leeyahay heshiiska.

Intaas kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulanka soo xiray isaga oo faray guddiyada ku shaqada leh heshiiskan in ay diyaariyaan akhrinta 3-aad ee heshiiska, si dib loogu soo bandhigo Golaha loona qaado cod.

Waxaa kale oo Mudanayaasha Golaha Shacabka maanta ayaa loo qeybiyey akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Daawada.

Maalmihii u dambeeyay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dardar-gelinayay howlaha shaqo ee horyaalla, waxaana jira doodo adag oo hareeyay kulamada golaha oo ay isaga horyimaadeen xildhibaannada mucaaradka iyo kuwa muxaafadka ee ku jira Baarlamaanka.

- Advertisement -

Read more

Local News