25.5 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Maryan Maxamed Nuur oo lagu riday xukun lama filaan ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lix sano oo xabsi ah ku xukuntay Maryan Maxamed Nuur, kadib markii lagu helay dambiyada maalgelinta argagixisada iyo lacag-dhaqid, sida lagu sheegay bayaan uu Talaadadii soo saaray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya.

Maryan ayaa lagu eedeeyay inay isticmaashay shan xisaab bangi iyo shan lambar oo telefoon ah si ay u gudbiso lacago gaaraya $2,170,889, kuwaas oo lala xiriiriyay kooxda Al-Shabaab.

Lacagtan ayaa loo adeegsaday maalgelinta weerarro, taageeridda hawlgallo hubeysan, iyo fududeynta hawlo lagu wiiqayo amniga iyo degganaanshaha bulshada Soomaaliyeed.

“Caddeymaha iyo Baaritaanada uu Xafiisku horgeeyay Maxkamadda ayaa muujiyey in Dambiile Maryan Maxamed Nuur ay isticmaale yshay Shan Koonto Bangi iyo Shan Taleefan Lambar kuwaas oo la dhex marsiiyay lacag gaareysa $2,170,889,00,” ayey sheegtay xeer ilaalintu.

Sidoo kale, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in maxkamaddu ku ridday ganaax dhan $20,000, isla markaana ay amartay in la la wareego hantidii la dhaqay, oo ay ku jiraan siddeed dhul oo ay lahayd.

Akoonadeedii bangiga ayaa la xiray, halka wixii lacag ah ee ku jirayna lagu wareejin doono dowladda.

“Maxkamaddu waxay ku xukuntay: 1- 6 sano oo xari g ah, 2- Ganaax lacageed oo ah $20,000, 3- In lala wareego Hanti la dhaqay taas oo gaaraysa 8 Boos oo dhul ah iyo 4- In la baabi’iyo akoonada ay leedahay, laguna wareejiyo dowladda wixii hanti ah ee akoonadeed a ku jira,” ayaa lagu yiri qoraalka xeer ilaalinta.

Xukunkan ayaa dadka qaar ku tilmaameen mid lama filaan ah, maadaama dambiyada lagu soo eedeeyay Maryan, ayna sheegtay maxkamaddu in lagu helay ay yihiin kuwo culus, oo u qalmi kara ciqaab kasii adag.

Si kastaba, xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa ku adkeystay inay ka go’an tahay la-dagaallanka maalgelinta argagixisada iyo shabakadaha dhaqaale ee sharci-darrada ah, isaga oo digniin u diray cid kasta oo ku lug yeelata arrimahan in si buuxda sharciga loogu dhaqmi doono.

- Advertisement -

Read more

Local News