Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay si rasmi ah u dhiibtay codkiisa ku aaddan doorsho hoosaadka ururka JSP ee musharrixiinta doorashada golaha deegaanka ee gobolka Banaadir.
Xasan Sheekh oo ah Guddoomiyaha Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa ka qeyb qaatay doorashadan oo maanta gashay maalinkeedii labaad.
Doorashadan ayaa u dhacaysa hannaanka danabaysan ee elektrooniga (online-ka), iyadoo xubanaha horey u diiwaangashanaa ee ururku ay u codeeynayaan musharrxiinta ururka JSP ku matali doona doorashooyinka tooska ee golaha deegaanka gobolka Banaadir.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid billow u ah nidaamka xisbiyeynta siyaasadda dalka iyo dimuqraadiyadda go’aan gaarista xisbiga dhexdiisa.
“Waxaan ku boorinayaa xubnaha ururka ee gbolka Banaadir inay ka qeyb qaataan codeynta danabeysan, ayna go’aanna ka gaaraan xubnaha musharaxiinta ee ku matalaya doorashada golayaasha deegaanka gobolka Banaadir,” ayuu Xasan ku yiri qoraal uu caawa soo saaray kadib codeynta.
Maalmo ka hor, ururka shaaciyay in 16-ka degmo ee gobolka Banaadir ay iska diiwaan-geliyeen 522 xubnood oo u sharaxan ururka, kuwaas oo lagu kala saarayo doorashada haatan socota.
Guddiga KMG ee doorasho hoosaadka degmooyinka gobolka Banaadir ee xisbiga ayaa sheegay in codbixinta Online-ka ah ay soo idlaan doonto 27 November, marka ay saacadu tahay 8:00AM.
JSP ayaa isku diyaarinaya inuu ka qeyb qaato doorashooyinka qof iyo cod, gaar ahaan midda golaha deegaanka gobolka Banaadir oo dhawaan ka qabsoomi doonta, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka qaranka.
Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli aan weli heshiis laga gaarin doorashooyinka qaranka, taas oo ay diidan yihiin qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo xisbiyada mucaaradka oo ay ugu weyn tahay Madasha Samatabixinta Qaranka.






