25.5 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

FARMAAJO oo sheegay in 5 milyan qof oo Soomaali ah…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha ka jira qaybo kamid ah dalka.

Farmaajo ayaa sheegay in abaar daran ay u dhufatay gobollada qaar, isla markaana xaaladdan ay saameysay ku dhawaad 5 milyan oo qof, kuwaas oo aan helin gurmad ku filan, isla markaana xaalad adag ay ku haysato gudaha dalka.

“Xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka waxa ay si toos ah u saameeyeen ku dhowaad 5 milyan oo qof, kuwaas oo aan helin gurmad u dhigma xaaladda ay ku jiraan oo soo jiitamaysay labadii sano ee la soo dhaafay” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay in ay isku gurmadaan, si loo caawiyo dadka dhibanayaasha ah.

“Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan culimada iyo ganacsatada waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaan samata bixinta dadkeenna dhibaataysan, maadaama ay hoos u dhaceen kaalmadii binu-aadantinimo ee caalamiga ah, taas oo aan daboolin haatan wax ka badan 25% dadka u baahan gurmadka degdegga ah” ayuu mar kale yiri Maxamed Farmaajo.

Sidoo kale, wuxuu qurba-joogta Soomaaliyeed, madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ugu baaqay in loo midoobo ka jawaabista xaaladdan adag ee ay wajahayaan dadka Soomaaliyeed, waxaa kale oo uu rajo ka muujiyay Beesha Caalamka in ay dardar-geliso sidii gurmad degdeg ah loo gaarsiin lahaa kumannaanka qoys ee tabaaleysan.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Alle waxaan ka baryayaa in uu dalkeenna iyo dadkeenna ka dulqaado duruufaha adag, naguna mannaysto nimcadiisa oo ay ugu horreeyaan raxmadda roobka oo ay ku tiirsan tahay nolasha dadka Soomaaliyeed”.

Dhawaan, Farmaajo ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad cakiran, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan gaajo iyo sicir barar baahsan, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii waxaan darsay oo aan ogaaday in dalka uu ku jiro xaalad aad iyo aad u cakiran maciishadda oo kale qofka bishii 200 ama 300 qaadan jiray in aysan ku filneyn xittaa 500 oo dollar, welina mushaaraadkii uu halkiisii taagan yahay” ayuu khudbaddiisa ku yiri Farmaajo.

Waxaa kale oo uu xusay in xaaladda uu waddanka u maraayo aan indhaha laga qabsan karin, isla markaana sicirka bararka jira uu ka daran yahay kii horay loo arkay.

“Dadka Soomaaliyeed waxay gaareen heer in maalinkii ay hal mar wax cunaan haddii ay nasiib leeyihiin ama maalin dhaaf waxaa lagu leeyahay mararka qaarkood caga-bararka xilligii uu dagaalka sokeeye aad u darnaa in hadda ay ka daran yahay” ayuu sii raaciyay.

- Advertisement -

Read more

Local News