25.5 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Shabakad Al-Shabaab u qaabilsaneyd shaqo halis ah oo lagu qabtay Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa NISA oo howlgal culus ka sameeyay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa maanta gacanta kusoo dhigay shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnayd Muqdisho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska Nabad-Sugidda ayaa lagu sheegay in howlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay lagu qabtay 11 xubnood oo ku howlanaaa falal amni darro ah.

Hay’adda NISA ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha lasoo qabtay oo isku xirnaa ay ku dhuumaaleysanayeen gudaha caasimada iyo deegaanno ka tirsan labada Shabelle, kadibna markii la ogaaday gacanta lagu soo dhigay.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah oo ka kooban ilaa 11 dhagar-qabe, kuwaas oo ku howlanaa falal argagixiso isla markaana ku dhuumaaleysanayay Muqdisho iyo deegaanno ka tirsan Gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, NISA ayaa intaas kusii dartay in xubnahan loo diyaariyay inay shirqoolo iyo falal basaasnimo ah ka sameeyaan Muqdisho, iyaga oo isku dhex-qarinaya shacabka.

Waxaa kale oo raggan oo mid mid loo qabtay ay gacanta soo galeen, iyaga gacanta kula jireen fal-dambiyeedyo argagixiso, sida lagu sheegay qoraalka.

“Dhagar-qabeyaashan ayey Khawaarijtu u soo diyaariyeen inay fuliyaan shirqoollo argagixiso, basaasnimo, iyo inay isku dhex qarin karaan shacabka, Ciidanka Sirdoonka Qaranka oo hayay xogtooda oo dhammeystiran ayaa mid mid u soo qabtay xilli ay qaarkood gacanta kula jireen fal-dambiyeedyo argagixiso” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Taliska ayaa ballan qaaday in raggan ay wajihi doonaan cadaalad, isla-markaana loo gudbin doono hay’adaha ku shaqada leh , si looga qaado tallaabada ku habboon.

Maalmihii u dambeeyay laamaha ammanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xoojiyay howlgallada ay ka wadaan caasimada, si looga hortego weerarada kooxda Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News