Baydhabo (Caasimada Online) ‐ Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa si kulul uga hadlay dhibaatooyinka kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Lafta-gareen ayaa si cad u sheegay in aan marnaba la aqbali karin falalka lagu hor beegsanayo dadka safarka ah ee mara waddooyinka Koonfur Galbeed, taas oo uu ku tilmaamay mid sii kordhinaysa culaysyada jira.
Wuxuu sheegay in dalka uu haatan wajahayso xaalado adag oo isbiirsaday, sida abaaraha iyo colaadaha, iyadoo haddana la arkayo dhibaatooyin hor leh oo saameyn ku yeelanaya shacabka masaafurka ah.
“Wax la aqbali karno maaha in masaafurka jidka loo istaago, shalay waxaan maqlay dhacdadii igu xumeyd ee ah in $2 loo dilay nin masafur ahaa oo gaarigiisa wata,” ayuu yiri Lafta-gareen.
Wuxuu intaas kusii daray “Nasiib wanaag ninkii dilka geystay waa la qabtay cadaalada ayaa la horkeeni doono wixii u soo baxa ayaana lagu qaadi doona.”
Sidoo kale wuxuu bulshada Koonfur Galbeed ugu baaqay inay ka shaqeeyaan cadaaladda iyo nabadda si loo yareeyo khilaafaadka taagan loona helo xal waara.
“Waxa kaliya ee aan wax ku nahay waa Cadaaladda oo ah sheyga kaliya ee wax walba hagaajin kara, hadii cadaalad la waayo wax walba meesha ayay ka baxayaan,” ayuu yiri.
Hadalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa imaanaysa iyadoo meelaha qaar ee maamulkaasi ay weli ka jiraan colaado sababay dhacdooyin argagax leh, oo ay ku jirto in qof nool si bareer ah loo gubo.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ay xukunno adag kasoo saartay dhacdooyinkii kala duwanaa ee dhawaan ka dhacay gudaha degmada Wanlaweyn iyo duleedkeeda, kuwaas oo si weyn looga argagaxay.
Eedeysanayaashii loo soo xiray dilalkaas ayay maxkamaddu ku riday xukunno isugu jir dil toogasho ah iyo xabsi ciidan, si ay u yaraadaan dhacdooyinka noocaan ah oo muddooyinkii dambe kusoo badanayay dalka.

