26.3 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Xogta shir xasaasi ah oo mucaaradka uga socda Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan xubnaha ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa caawa shir xasaasi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirka caawa oo uu shir-guddoominayay Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, ayna qeyb ka ahaayeen inta badan siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ayaa waxaa looga hadlayay xaaladda dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubnahan ayaa ka arrinsanaya shirweynaha la filayo in bilowga bisha December uu mucaaradka iyo hoggaannada Puntland iyo Jubaland uga furmo magaalada Kismaayo.

Shirkan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, xilli uu xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay inuu soo gaba-gabeeyay diyaar-garowga doorashada qof iyo cod ee golaha deegaanka gobolka Banaadir.

Xogaha aan ka helayno kulanka caawa ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay isla lafa-gurayaan ajendaha ay la tegi doonaan shirweynaha la qorsheynayo, kaasi oo qeyb ka yihiin Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland.

Waxaa la filayaa in xubnaha Madasha iyo hoggaamiyeyaasha labada maamul oo shirweynaha Kismaayo ka qeyb-galaya ay ku dhawaaqaan in dalka la badbaadiyo, xilli ay bilooyin kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin maamullada Jubbaland, Puntland, iyo xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ayaa dhawaan si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan in muddo kororsi loo sameeyo Madaxwyene Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus kasoo saaray.

Sidoo kale, golaha ayaa si adag u diiday wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in uu si cad uga soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedaysa muddo-kororsi ay sameystaan hay’adaha dowladda federaalka, natiijo kasta oo ka dhalata doorasho aan heshiis lagu aheyn, iyo wax-ka-baddel kasta oo aan sharci ahayn oo lagu sameeyay ama lagu sameyn doono Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Golaha ayaa markaas farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka iyo inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan ka qayb-galka badbaadinta mustaqbalka dalka oo ay ugu horreyso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorashada hay’adaha federaalka Soomaaliya.”

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli uu weli is mariwaa ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka dalka, gaar ahaan in la aado qof iyo cod, si ay shacabka usoo doortaan hoggaankooda.

- Advertisement -

Read more

Local News