25.5 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

DF oo shaacisay in ay dekad cusub ka dhiseyso Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) — Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa shaaca ka qaaday in sanadka soo socda ay dowladdu daah-furi doonto dhismaha deked cusub oo casri ah, taas oo laga hirgelin doono magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa warkan kaga dhawaaqay magaalada London, xilli uu ka qayb-galayay Meertada 34-aad ee Golaha Guud ee Hay’adda Badaha Adduunka (IMO).

Cabdulqaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay qorshaha dekeddan cusub, isagoo sheegay inay noqon doonto mid si buuxda ula jaan-qaadda shabakadaha ganacsiga ee caalamiga ah. Waxa uu intaas ku daray in mashruucani uu ka koobnaan doono xuddun u adeegta isu-socodka gobolka (transit hub) iyo aag ganacsi oo canshuuraha ka caagan (free zone).

“Waxay noqon doontaa deked aad u baaxad weyn, qaab-dhismeedkeeduna wuxuu sahlayaa inay Soomaaliya ku xirto dunida inteeda kale, halkii ay markii hore ku koobnaan jirtay heer gobol,” ayuu Wasiirku u sheegay Wakaaladda Wararka ee Anadolu.

Wasiirka ayaa qiray in dekedda hadda shaqaysa ee Muqdisho — oo ah tan ugu weyn dalka — ay xilligan u badan tahay adeegga saadka ee maxalliga ah, isla markaana uu xaddidan yahay xiriirka tooska ah ee ay la leedahay marinada maraakiibta caalamiga ah.

Kaalinta koowaad ee Bariga Afrika 

Iyada oo ay jiraan caqabadahaas, haddana Wasiirku waxa uu iftiimiyay guul weyn oo ay gaartay Dekedda Muqdisho, taas oo dhowaan gashay kaalinta koowaad ee qiimayn lagu sameeyay 407 dekedood oo ku yaalla Bariga Afrika iyo caalamka. Guushan ayuu Wasiirku ku tilmaamay miraha ka dhashay dadaallada dowladda ee ku aaddan casriyeynta iyo horumarinta nidaamyada farsamo ee dekedda.

“Marka dhinacaas laga eego, runtii uma baahnin tartan — waayo durba kaalinta koowaad ayaan haysannaa,” ayuu yiri Wasiirka oo muujinayay kalsoonida uu ku qabo horumarka socda.

Mas’uuliyiinta ayaa xaqiijiyay in Dekedda Muqdisho ay haatan shaqayso habeen iyo maalin (24 saac), tallaabadaas oo si weyn u yareysay saxmaddii jirtay, isla markaana soo gaabisay waqtigii ay maraakiibtu sugayeen dejinta badeecadaha.

Isaga oo arrintaas ka hadlayana, wasiirku wuxuu yiri: “Sanadkii 2020-kii, maraakiibtu waxay dekedda ku sugayeen dhowr maalmood si ay u dejiyaan konteenarrada. Maanta waxaan waqtigaas kusoo koobnay lix saacadood oo kaliya. Ganacsatada adeegsata dekedda aad bay u soo dhoweeyeen isbeddelkan. Maadaama dekeddu ay shaqayso habeen iyo maalin, xitaa saxmaddii gaadiidka ee magaalada Muqdisho way yaraatay.”

Wasiirka ayaa guulahan ku sababeeyay maalgashiga ay dowladdu ku samaysay qalabka iyo nidaamyada casriga ah ee dekedda.

Dhinaca wax-soo-saarka, maaraynta maalinlaha ah ee konteenarrada ayaa kor u kacday 20 boqolkiiba, iyada oo la higsanayo in la gaarsiiyo 50 boqolkiiba.

Dekedda, oo ay maamusho shirkadda Turkiga ah ee Albayrak Group, ayaa awooddeeda qaadistii sanadkan kor uga qaadday 150,000 TEU (cabirka konteenarrada), iyada oo gaarsiisay 180,000 TEU, waxaana la qorsheynayaa in la gaaro 250,000 TEU.

“Bahda ganacsigu aad bay ugu qanacsan yihiin horumarradan la taaban karo,” ayuu raaciyay Wasiirku.

Ugu dambayn, Soomaaliya ayaa shaacisay inay xoojinayso iskaashiga ay la leedahay dowladda Turkiga ee dhinaca badaha.

Wasiir Nuur ayaa yiri: “Turkigu aad buu ugu horumaray dhinacan. Soomaaliya waa uun bilow inay ku biirto nidaamka badaha ee caalamiga ah, maadaama aan leenahay xeebta ugu dheer Afrika, waxaan rajeynaynaa inaan si degdeg ah u horumarno annagoo ka faa’iidaysanayna khibradda Turkiga.”

Shirweynaha 34-aad ee Golaha Guud ee IMO oo ka furmay London 24-kii bishan November, ayaa la filayaa inuu soo xirmo 3-da bisha December.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News