Addis Ababa (Caasimada Online) – Afhayeenka TPLF ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya in ay si sharci darro ah u mamnuucday ururkooda, inkastoo uu dalka ka yahay xisbi diiwaangashan.
Xukuumadda Itoobiya ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy ayaa qorshaynaya doorasho laga qabanayo Tigray oo aan TPLF qeyb ka ahayn, sida uu ku eedeeyay Michael Asgedom.
Afhayeenka TPLF ayaa qoraal uu baahiyay ku sheegay in ay muuqato in loo gogol xaarayo doorasho “aan sharci ku fadhiyin”, isagoo tallaabada lagu hakiyay xisbigana ku tilmaamay go’aan saldhig la’aan ah.
TPLF oo waayay sharciyaddii xisbiga ayaa hore u yeeshay shir ay ku dalbadeen in mar kale lagu kulmo, si golaha dhexe uu uga arrinsado xaaladda cusub.
Afhayeenku waxa uu sidoo kale sheegay inay jiraan calaamado muujinaya “doorasho sharci-darro ah” oo laga abaabulayo Tigray, taas oo uu ku sifeeyay mid lagu bartilmaameedsanayo TPLF iyo taageerayaasheeda.
Warar ka soo baxay shirkii guud ee xisbiga ayaa tilmaamay in uu ka dhashay khilaaf xooggan oo xubnaha sare ku kala irdheeyay. Intaas kadib, wasiirkii hore ee isgaarsiinta Tulu ayaa shaaciyay in uusan raalli ka ahayn heshiiskii Pretoria ee lagu soo afjaray dagaalkii laba sano socday.
Inkastoo TPLF laga saaray liiska argagixisada heshiiskaas kaddib, hadana waxaa mar kale loo aqoonsaday urur aan sharci ahaan xisbi u dhammaystirneyn.
Dhinaca kale, waxaa soo baxay kooxo xagjir ah oo ka goostay ciidamada Tigray, kuwaas oo isku magacaabay “Hara Ziraat”, una jeeda “dhulkii xor ahaa”, kuwaas oo lagu eedeeyay inay weerareen ciidamo ka tirsan TPLF.
Kooxdan ayaa la sheegay inay isu abaabuleen gudaha Cafarta si ay meesha uga saaraan hoggaanka TPLF ee uu horkaco Dr. Debretsion Gebremichael iyo taliyayaal uu la shaqeeyo.
TPLF ayaa ku dooday in kooxahaas xagjirka ah ee ka howl-galaya xuduudda Tigray ay yihiin kuwo helaya taageero dowladda federaalka. Bilihii la soo dhaafay, welwel xooggan ayaa laga qabay in mar kale colaado ka qarxaan gobolka Tigray.
Khilaafka sare ee xisbiga kadib, baraha bulshada ayaa lagu faafiyay warar sheegaya in Debretsion Gebremichael uu xilka ka tagay. Afhayeenka TPLF ayaa si cad u beeniyay warkaas, isagoo ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.
Xisbiga ayaa sheegay inay hadda diiradda saarayaan sidii loo sixi lahaa dhibaatooyinka ay sababeen kooxaha xagjiriinta. “Inkasta oo ay socdaan isku dayo lagu wiiqayo midnimada shacabka iyadoo la adeegsanayo fikrado qalloocan, haddana wada hadalladii midnimada ma istaagin,” ayuu yiri.

