28.2 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Mareykanka oo muhiim u arka xoojinta xiriirka Somaliland

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa muhiim u arka sii xoojinta wada-shaqaynta dhinacyada amniga, horumarinta hay’adaha amniga iyo kobcinta xiriirka labada dhinac, sida uu sheegay Safiir ku-xigeenka Mareykanka ee Soomaaliya, Mr. Justin Davis.

Safiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulan Arbacadii Madaxtooyada Somaliland ku dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo General Dagvin Anderson, Taliyaha Guud ee Ciidamada Mareykanka ee (AFRICOM) oo uu qeyb ka ahaa wafdigiisa.

Madaxweyne Cirro ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Somaliland diyaar u tahay in ay si buuxda ula shaqeyso dowladda Mareykanka, si loo adkeeyo amniga gobolka, lana xoojiyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, gaar ahaan kuwa ka dhashay hirdanka marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Sidoo kale wuxuu wafdiga Mareykanka u caddeeyay in Somaliland ay tahay saaxiib la isku hallayn karo oo Mareykanku leeyahay oo ku yaalla goobta ugu istiraatijisan gobolka Geeska Afrika.

Kulankan oo ahaa mid leh muhimmad istiraatijiyadeed oo culus ayaa waxa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka, iyo ilaalinta danaha wadajirka ah ee ay labada dhinac ku leeyihiin gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Intii uu socday kulanka, Madaxweynaha Somaliland ayaa Mareykanka la wadaagay doorka ay Somaliland ku leedahay nabadgelyada, xasilloonida iyo adkaynta hannaanka dimuqraadiyadda ee gobolka, isagoo xusay in Somaliland ay mudnaan gaar ah siiso ilaalinta amniga xuduudaheeda iyo la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah.

Taliyaha Ciidammada Mareykanka ee AFRICOM, Mr. Dagvin Anderson ayaa xusay in Somaliland ay ku taallo goob istiraatiiji ah oo muhiim u ah amniga guud ee Badda Cas iyo ka Gobolka Geeska Afrika, wuxuuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhaw oo ay labada dhinac yeeshaan.

Sidoo kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in danaha amni iyo kuwa istiraatijiyadeed ee Mareykanku uu ku leeyahay yobolka Bariga Afrika ay si dhab ah ugu jiraan aqoonsiga Somaliland.

“Somaliland waa dal leh nidaam dimuqraadiyadeed oo shaqeeya, ciidamo qaran oo amnigeeda sugayay muddo ka badan 30 sano iyo goob muhiim u ah istiraatijiyadda Mareykanka ee ah xasilloonida mandaqadda,” ayuu Cirro u sheegay wafdiga Mareykanka.

Kulank ayaa ku soo gaba-gaboobay is-afgarad buuxa oo ku saabsan in labada dhinac ay sii xoojiyaan iskaashiga amniga, kor u qaadaan hawl-gallada istiraatiijiga ah, isla markaana ay ka wada-shaqeeyaan ilaalinta xasilloonida Badda Cas iyo amniga guud ee gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News