28.2 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay…

Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u gudbisay dukumeentiyada caddaynaya ku biirista Soomaaliya ee heshiiska caalamiga ah ee IMSO.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ku sugan London ayaa dukumeentiyadan ku wareejiyay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO, Arsenio Dominguez

Labada mas’uul ayaa kulankooda gaarka ah diirada ku saaray xoojinta amniga badda, casriyeynta hay’adaha badda Soomaaliya, iyo sida iskaashi dheeri ah oo IMO lala yeesho uu u taageeri karo dadaallada dowladda ee dhismaha nidaam badeed oo ammaan ah.

“Ku biirista Soomaaliya waxay xoojinaysaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan amniga badda iyo iskaashiga caalamiga,” ayuu yiri Wasiir Jaamac oo qoraal soo saaray.

Sidoo kale wuxuu sheegay in tallaabadan ay muujinayso go’aanka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta amniga baddeed, kor u qaadista maamul wanaagga badda iyo ka faa’iidaysiga awoodda dhaqaalaha buluugga ah.

“Annaga oo ka faa’iidaysanayna gacansiinta iyo wada shaqaynta aan la yeelanayo IMO, waxaan ku kalsoonnahay in Soomaaliya ay heli doonto amni badeed waara,” ayuu yiri Wasiirka.

Hoos ka aqriso qoraal Wasiirka oo dhameystiran:

Waxaa sharaf ii ah in aan la kulmay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO Mudane Arsenio Dominguez, annaga oo yeelannay kulan doceed aan si rasmi ugu wareejiyay waraaqaha rasmiga ee caddaynaya ku biirista Soomaaliya ee heshiiska caalamiga ah ee IMSO.

Ku biirista Soomaaliya waxay xoojinaysaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan amniga badda iyo iskaashiga caalamiga.

Waxaan ka wada hadalnay arrimaha muhiimka u ah Soomaaliya iyo sida iskaashigaan cusub uu uga qaybqaadan karo dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto sidii loo heli lahaa hannaan wanaagsan oo lagu xoojin karo amniga iyo badqabka badda Soomaaliyeed.

Waxaan hoosta ka xarriiqay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay casriyaynta hay’adaha ka howlgala badda, xoojinta shuruucda lagu maamulo badda, iyo ilaalinta xeebteenna baaxadda leh.

Annaga oo ka faa’iidaysanayna gacansiinta iyo wada shaqaynta aan la yeelanayo IMO, waxaan ku kalsoonnahay in Soomaaliya ay heli doonto amni badeed waara.

Annaga oo isku duuban, waxaan ilaashan doonnaa baddeenna, xoojin doonnaa ganacsigeenna, waxaana hirgelin doonna hannaan looga faa’iidaysan karo dhaqaalaha buluugga ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News