London (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa maanta codkeeda ka dhiibatay doorashada Kalfahiga 34-aad ee Golaha Hay’adda Caalamiga ee Badaha – IMO ee sanadaha 2026/2027.
Codka Soomaaliya ayaa waxaa goobta ka dhiibtay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada London ee Boqortooyada Ingiriiska.
“Codkeennu wuxuu ka turjumayaa kaalinta sii kordheysa ee Soomaaliya ku leedahay arrimaha badaha caalamiga ah, iyo sida ay nooga go’an tahay in aan horumarino baddeenna,” ayuu yiri Wasiir Jaamac oo qoraal soo saaray doorashada kadib.
Sidoo kale wuxuu sheegay in codka Soomaaliya uu ka turjumayay danaha istaraatiijiga ah ee dalka, xoojinta iskaashiga gobolka, hagaajinta maamulka badda, iyo taageeridda himiladeenna muddada fog ee ku aaddan horumarinta Dhaqaalaha Buluugga ah.
Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:
Waxaa maanta sharaf ii ah inaan ku matalo bixinta codka Soomaaliya doorashada Kalfahiga 34-aad ee Golaha Hay’adda Caalamiga ee Badaha – IMO ee sanadaha 2026/2027.
Codkeennu wuxuu ka turjumayaa kaalinta sii kordheysa ee Soomaaliya ku leedahay arrimaha badaha caalamiga ah, iyo sida ay nooga go’an tahay in aan horumarino baddeenna.
Codkeennu wuxuu ka tarjumayay danaha istaraatiijiga ah ee dalka, xoojinta iskaashiga gobolka, hagaajinta maamulka badda, iyo taageeridda himiladeenna muddada fog ee ku aaddan horumarinta Dhaqaalaha Buluugga ah.
Waxaan ku faraxsanahay in aan hubiyo in codka Soomaaliya uu noqdo mid miisaan leh oo gacan ka geysta qaabeynta mustaqbalka iskaashiga iyo amniga badeed ee caalamka.
Ka xukuumad ahaan, waxaan sii wadi doonnaa inaan ka miro dhalino ballanqaadkeenna ahaa horumarina danaha baddeenna iyo kheyraadkeeda.

