26 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

DF oo maanta ciidan cusub ka dajisay Garbahaarey – Maxaa socda?

Bookmark
Bookmarked

Share

Garbahaarey (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidan cusub ka dejisay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Ciidankan oo laga soo qaaday magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in tiro ahaan ay gaarayaan 50 askari, waxaana galabta maqribkii ay ka dagtay diyaaraddii waday garoonka Garbahaarey.

Ciidankan oo ka tirsan nabad-sugidda ayaa ku biiraya ciidamada Dowladda Federaalka ee horey u joogay Garbahaarey.

Garoonka waxaa ciidanka kusoo dhaweeyay Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka degmada Garbahaarey, Nuur Barre Good, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, maalmaha soo aadan ayaa la sheegay in dowladdu qorsheyneyso in ciidamo kale ay u dirto degmada Garbahaarey, halkaasi oo lagu wado inay gaaraan wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Daabulka ciidamada ayaa markale dib u soo celinaya xiisaddii dagaal ee u dhaxeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland, xilli ay horey ciidamo kala taabacsan labada dhinac ku dagaalameen gobolka Gedo.

Tani waxay sidoo kale kusoo beegmeysaa xilli ay fashilmeen wada-hadalladii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Jubaland, Axmed Madoobe, isla markaana la qorsheynayo in horraanta bisha December ee sanadkaan uu magaalada Kismaayo ka furmo shirweynaha mucaaradka kasoo horjeeda Dowladda Federaalka.

Waxaa la filayaa in xubnaha Madasha iyo hoggaamiyeyaasha labada maamul ay Kismaayo uga dhawaaqaan in dalka la badbaadiyo, xilli ay bilooyin kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin maamullada Jubaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ayaa dhawaan si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan muddo kororsi loo sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo digniin culus kasoo saaray.

Sidoo kale, golaha ayaa si adag u diiday wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka.

Goluhu wuxuu farriin culus u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka, isla markaana ay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli uu weli is mariwaa ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka dalka, gaar ahaan doorashada qof iyo cod, si shacabka ay usoo doortaan hoggaankooda.

- Advertisement -

Read more

Local News