26 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Maxay Soomaaliya kusoo bandhigtay shirka IGAD?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh ayaa ka qeyb-galay shir heer wasiir ah oo dalalka IGAD uga arrinsanayeen hirgelinta baaqa Nairobi ee arrimaha qaxootiga.

Wasiir Cali Xoosh oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday xaaladda Soomaaliya gaar ahaan qaxootiga, dadka soo guryo noqday, brakacayaasha iyo dhibaatooyinka bani’aadnimada, isbadalka cimilada iyo abaaraha ay keenaan.

“Inkasta oo ay jiraan caqabado, haddana Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an hirgelinta mabaadi’da iyo himilooyinka baaqa Nairob,” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Waxa uu intaas kusii daray “Sanadihii la soo dhaafay, waxaan si joogto ah uga shaqeynay in ballanqaadyadaas loo beddelo xalal wax ku ool ah oo kor u qaada nolosha qaxootiga, barakacayaasha, dadka soo laabanaya iyo bulshadda gudaha dalka.”

Wasiirka waxa uu ka hadlay oo kale shuruucda ay Soomaaliya sameysay oo howshan xalkeeda qeyb ka ah ansixinta sharciga qaxootiga iyo magangalyo-doonka bishii Sebtembar 2023.

Sidoo kale, sharciga barakacayaasha gudaha (IDP Bill) oo isna la meel-mariyay bishan, taas oo nidaamkeenna qaran u dhoweysay heerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka.

Ugu dambeyntiina, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) waxa uu dalalka IGAD usoo jeediyey in laga wada-shaqeeyo amniga gobolka, la iskana kaashado kor u qaadista adeegyada kaabayaasha ee hormarka keenaya.

- Advertisement -

Read more

Local News