Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Howl-galka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta billaabay qorshaha ka bixitaankiisa gudaha Soomaaliya.
Xafiiskan ayaa waxay muddada jiritaankiisa ku eg tahay ilaa bisha October ee sannadka 2026. Waxaana maanta magaalada Dhuusamareeb ka dhacay kulan looga hadlay howlaha xiritaanka Xafiiska QM ee Dhuusamareeb.
Shiraa’id oo ay si wadajir ah u wada qabteen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu maamulka kula wareegay xaruntii loo diyaariyay Xafiiskii Siyaasadda Qaramada Midoobey ee Galmudug.
Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa goobta ka sheegay in ay si rasmi ula wareegeen xafiiska, iyadoo howl-galka isku diyaarinayo bixitaanka oo si guud dalka oo dhan, shaqadiisu ku egtahay October 2026
Madaxweynaya ayaa hay’adaha kale ee Qaramada midoobay ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan xafiisyadan, si loo xoojiyo adeegga loo hayo Bulshada Reer Galmudug.
Munaasibada waxaa ka qayb-galay Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, mudane James Swan.
Dhawaan Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in dhammaadka bisha October 2026 la soo gab-gabeyn doono howl-galka UNSOM oo muddo dheer ka qeyb qaadanaya howlaha nabadeynta Soomaaliya.













