26.9 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Mareykanka oo ka gaabsaday sharciyadda Axmed Madoobe

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Safiirka iyo wafdigiisa waxaa Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Axmed Madoobe.

Intii uu socday kulanka, oo ay Madaxweynaha ku wehliyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, ayaa si qoto dheer looga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Dhinacyadu waxay si gaar ah diiradda u saareen arrimaha amniga, taageerada Dowladda Mareykanka ee mashaariicda horumarineed, iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka.

Madaxtooyada Jubaland ayaa sheegtay in Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Safiirka Mareykanka, Danjire Richard H. Riley ay kulankooda ku lafa-gureen geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Dhinaca kale, Danjire Richard H. Riley ayaa qoraal uu ka soo saaray kulankan ka gaabsaday sharciyadda Axmed Madoobe, xilli ay weli Dowladda Federaalka aysan aqoonsan doorashadii Kismaayo ee dib loogu doortay Madoobe.

Qoraalkan oo Safiirku ku daabacay bogga X (ex-Twitter) ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayuu si taxaddar leh uga hadlay booqashadiisa Jubaland, isagoo ka gaabsaday in Axmed Madoobe uu ugu yeero Madaxweynaha Jubaland.

“Maanta Jubaland, Madoobe iyo aniga waxaan ku kulannay Kismaayo si aan uga wada hadalno muhiimadda midnimada qaran ee la dagaallanka argagixisada, taas oo faa’iido u ah dadka Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya,” ayuu yiri Safiirka.

Muddo sanad ah ayaa weli taagan khilaafka hoggaanka dowladda dhexe iyo maamulka Jubaland, inkastoo laga war sugayo in la dhameeyo khilaafka Villa Soomaaliya iyo Jubaland, maadaama la gaaray xilligii kala guurka.

- Advertisement -

Read more

Local News