26.9 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Jarmalka oo aqoonsanaya baasaboorka Soomaaliga

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustaf Dhuxulow ayaa shaaciyay in dhowaan dalal kala duwan oo caalamka ay bilaabi doonaan inay aqoonsadaan baasaboorka Soomaaliga.

Dhuxulow ayaa si gaar ah u xusay in Dowladda Jarmalku ay kamid noqon doonto dalalka ugu horreeya ee aqoonsigaasi ku dhawaaqi doona.

“Dalal badan ayaa juhdi na galiyay, weliba dhawaan Jarmalka ayaa dhawaan aqoonsan doono Baasaboorka Soomaaliga,” ayuu yiri Agaasime Mustaf Dhuxulow.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo weli ay jiraan dalal badan oo gaar ahaan Yurub ah oo aan weli aqbalin baasaboorka Soomaaliya, inkastoo qaar ka mid ahi bilaabeen aqoonsigiisa maadaama amniga dalka uu soo hagaagay.

Baasaboorka Soomaaliya ayaa si tartiib tartiib ah usoo ceshanaya maqaamkiisii caalamiga ahaa, taasoo astaan u ah dadaallada diblomaasiyadeed ee dalka ee sii kordhaya iyo adkaysiga uu muujiyay kadib tobannaan sano oo uu go’doon kaga jiray dunida inteeda kale sababo la xiriira ammaan-darro iyo masiibooyin dabiici ah.

Tan iyo markii uu qarxay dagaalkii sokeeye sannadkii 1991-kii, Baasaboorka Soomaaliga waxa uu soo maray isbeddello is-daba-joog ah, oo ay ku jirto soo bandhigidda nooc casri ah oo leh muddo ogolaansho oo gaaraysa shan sano.

Isbeddelladan ayaa ka tarjumaya dadaallada ballaaran ee dalka loogu jiro dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo xoojinta maqaamkiisa caalamiga ah.

Sannadkii 2016-kii, Baasaboorka Soomaaliya waxa uu ku jiray kaalinta 101-aad ee qiimeynta Tilmaamaha Baasaboorrada ee Henley (Henley Passport Index), oo ah shirkad la-talin iyo cilmi-baaris oo caan ku ah qiimeynta awoodda socdaalka caalamiga ah.

Hadda, waxa uu kor u kacay siddeed darajo isagoo soo gaaray kaalinta 95-aad, sida lagu sheegay qiimeyntii ugu dambeysay ee lasoo saaray bishii Luulyo 2025. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa hadda u safri kara in ka badan 30 dal iyaga oo aan u baahnayn fiiso hore loo sii dalbaday.

Qiimeyntan, oo ku saleysan xog laga helay Hay’adda Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA) iyo cilmi-baaris socotay labaatan sano, ayaa lagu qiimeeyaa 199 baasaboor iyadoo la eegayo 227 dal oo loo safri karo, waxaana lagu kala saaraa iyadoo lagu saleynayo tirada waddamada ay dadka wata baasaboorkaas ku booqan karaan fiiso la’aan.

- Advertisement -

Read more

Local News