28.5 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Xaaladda Imran Khan oo war laga la’yahay xilli la faafiyey warar in lagu dilay xabsiga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Islamabad (Caasimada Online) – Wiilasha uu dhalay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan, Imran Khan, oo haatan u xiran dowladda dalkaas, ayaa muujiyey walaac aad u xooggan oo ku aaddan in maamulku qarinayo xaalad halis ah oo soo wajahday aabahood. Waxay sheegeen in muddo ka badan saddex toddobaad aanay haynin wax caddaynaya inuu weli nool yahay, taas oo cabsidooda cirka ku shareertay.

Iyadoo ay weli xayiraad adag saaran tahay booqashooyinkii xabsiga ee ay maxkamaddu amartay, isla markaana ay suuqa ku jiraan warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in Khan loo wareejinayo xabsi kale, ayuu wiilkiisa Kasim Khan u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in qoysku aanu wax xiriir ah la samayn, xog sugganna ka helin aabahood, inkastoo uu jiro amar garsoor oo fasaxaya kulammo toddobaadle ah.

“Inaad garan weydo geeri iyo nolol meel uu aabahaa ku sugan yahay, ama inuu badqabo iyo inuu dhaawac yahay, waa nooc kamid ah jirdilka iyo cadaabka maskaxda,” ayuu Kasim ku yiri qoraal uu soo diray, isagoo intaas ku daray inaysan jirin cid si madax-bannaan u xaqiijisay xaaladdiisa muddo bilo ah.

Wuxuu sii raaciyey: “Maanta ma hayno wax xog ah oo lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan xaaladdiisa. Cabsida ugu weyn ee aan qabno ayaa ah in nala ka qarinayo musiibo dhacday oo aan dib loo sixi karin ama aan laga soo waaqsan karin.”

Qoyska ayaa marar badan dalbaday in loo ogolaado dhakhtarka gaarka ah ee Khan inuu xaaladdiisa u kuurgalo, balse dalabkaas waa la diiday in ka badan sanad, taasoo sii xoojisay shakiga.

Waxaa cabsida sii kordhisay warar aan la hubin oo baraha bulshada lagu faafiyey oo sheegaya in Imran lagu dhex-dilay xabsiga. 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Pakistan ayaan wax jawaab ah ka bixin codsi faallo looga diray arrintan. Hase yeeshee, sarkaal ka tirsan maamulka xabsiga, oo codsaday inaan magaciisa la shaaciyo, ayaa Reuters u sheegay in Khan uu caafimaad qabo, isagoo xusay inaanu ka warhayn wax qorshe ah oo hoggaamiyaha loogu wareejinayo xabsi kale oo amnigiisu ka adag yahay midka uu hadda ku jiro.

Khan, oo 72 jir ah, ayaa xabsiga ku jiray tan iyo bishii Ogoosto 2023, isagoo lagu riday xukunno kala duwan oo is-barkan. Khan ayaa ku tilmaamay dacwadahan qaar siyaasadeysan oo lagu maleegay kadib markii xilka looga tuuray codka kalsooni-kala-noqoshada baarlamaanka sannadkii 2022.

Xukunkii ugu horreeyay ayaa salka ku hayey eedeymo la xiriira inuu si sharci-darro ah u iibsaday hadiyado qaali ah oo uu helay intii uu xafiiska joogay, kiiskaas oo caan ku ah magaca “Toshakhana”.

Waxaa xigay xukunno kale oo xilliyo dhaadheer ah, oo ay ku jiraan 10 sano oo xarig ah oo loo cuskaday faafinta sir qaran, iyo 14 sano oo la xiriira kiis musuqmaasuq oo ku saabsan hay’adda Al-Qadir Trust, taas oo xeer-ilaalintu sheegtay inay ku lug lahayd heshiisyo dhul oo aan habboonayn.

Xisbiga Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ayaa aaminsan in ujeedka dacwadahan is-daba-joogga ah uu yahay in Khan gebi ahaanba laga tirtiro saaxadda siyaasadda lagana reebo doorashooyinka soo socda.

Xog la’aan sii hurisay walwalka qoyska

Qoyska ayaa aaminsan in xiriir la’aantu ay tahay qorshe ula kac ah oo looga golleeyahay in Khan laga qariyo indhaha shacabka, si loo abuuro jahawareer.

Telefishinnada dalkaas ayaa lagu amray inaysan baahin karin magaca iyo sawirka Khan, iyadoo sawirka kaliya ee laga helay tan iyo intii uu xirnaa uu yahay mid tayo xun oo laga soo qaaday maxkamadda dhexdeeda, kaas oo baraha bulshada ku faafay.

“Go’doomintan waa mid qorsheysan,” ayuu yiri Kasim, oo tixraacaya mas’uuliyiinta uu aaminsan yahay inay aabihiis ka go’doomiyeen dunida. “Way ka baqayaan isaga. Waa hoggaamiyaha ugu taageerada badan Pakistan, waxayna og yihiin inaysan si dimoqraadi ah kaga adkaan karin.”

Kasim iyo walaalkiis ka weyn Suleiman Ciise Khan, oo magaalada London kula nool hooyadood Jemima Goldsmith, ayaa inta badan ka fogaada siyaasadda qoyska ku dhisan ee Pakistan.

Labada wiil, oo aabahood ugu yeera “Abba”, ayaa dhif iyo naadir warbaahinta la hadla, iyagoo inta badan ka hadla kaliya xaaladda xarigga aabahood iyo walaaca ay qabaan.

Kasim ayaa xusay in markii ugu dambeysay ee ay aabahood indhaha saaraan ay ahayd bishii Nofeembar 2022, xilligaas oo ay booqdeen Pakistan kadib markii uu Khan ka badbaaday isku day dil oo lala damacsanaa.

“Muuqaalkaas weli ma iloobin, wuuna ila joogaa tan iyo waagaas. Inaad aabahaa ku aragto xaaladdaas ma ahan wax la hilmaamo,” ayuu yiri Kasim oo qiiraysan.

“Waxa naloo sheegay inuu soo kaban doono waqtiga. Laakiin hadda, kadib toddobaadyo aamusnaan ah iyo noloshiisii oo aan raad lagu hayn, xasuustaas waxay yeelatay miisaan iyo dareen ka duwan midkii hore.”

Qoyska ayaa wada dadaallo isugu jira kuwa caalami ah iyo kuwo maxalli ah, sida codsiyo loo dirayo hay’adaha xuquuqda aadanaha, waxayna dalbanayaan in si degdeg ah loo soo celiyo xaqii uu u lahaa inuu qoyskiisa iyo qareennadiisa la kulmo.

“Tani ma ahan kaliya khilaaf siyaasadeed,” ayuu yiri Kasim oo hadalkiisa kusoo gabagabeeyey: “Waa xaalad degdeg ah oo dhanka xuquuqda aadanaha ah. Waa in cadaadisku ka yimaadaa jiho kasta. Xoogga waxaan ka helnaa isaga, laakiin waxaan u baahannahay inaan marka hore ogaanno inuu badqabo.”

- Advertisement -

Read more

Local News