Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay siyaasi Jaamac Shabeel, kadib safar uu ku tegay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari.
Jaamac Shabeel oo si weyn uga soo horjeeday siyaasaddii uu hormuudka ka ahaa madaxweynihii hore Muuse Biixi ee dagaalkii Laascaanood, isla markaana ku baaqi jiray wada-hadal iyo heshiisiin ayaa lagu eedeeyay inuu ku kacay ficillo lid ku ah jiritaanka Somaliland.
Jaamac ayaa sidoo kale tegay magaalada Buuhoodle, isaga oo sheegay inuu doonayo inuu dhex-dhexaadiyo Somaliland iyo maamulka Waqooyi Bari ee dhawaan la dhisay.
War qoraal ah oo ka soo baxay booliska Somaliland ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay Jaamac Shabeel “oo ku eedaysan arrimo kasoo horjeeda qaranimada, xad-gudubna ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo dhawaanahan ku hawlana.”
“Eedaysanaha waxa deg-deg loo horgayn doonaa ha’yaddaha garsoorka ee dalka,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka taliska booliska Somaliland
Taliska booliska ayaa digniin u diray dadka ku hawlan arrimo ay ku sheegeen inay wax u dhimayaan qaranimada, iyagoo ka digay fal kasta oo lagu carqaladeeyo jiritaanka Somaliland. “Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu digniin adag u dirayaa dhammaan dadka ku hawlan falalka xadgudubka ku ah jiritaanka qaranimada Somaliland.”
Intii uu joogay Laascaanood, Jaamac Shabeel ayaa la kulmay siyaasiyiin iyo odayaal ka tirsan maamulka Waqooyi Bari, oo uu kala hadlay sidii loo bilaabi lahaa wadahadallo toos ah iyo in la is dhaafsado maxaabiista labada dhinac.
Shabeel ayaa hore u sheegay in Somaliland aysan gaari karin xuduud ay sheeganayso haddii dadka deegaanka aanay taageersanayn, isagoo dhowaan warbaahinta ka sheegay in Somaliland iyo Waqooyi Bari ay u baahan yihiin wada-hadal siman oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda.
Horey ayaa fanaanka Cabdirisaaq Anshax loogu xiray Hargeysa, kadib markii uu safar ku tegay Laascaanood, inkastoo oo markii dambe xorriyadiisa dib u helay kadib markii uu raalli-gelin ka bixiyay safarkiisa.
Xiisadda u dhexeysa Somaliland iyo Waqooyi Bari oo dhawaan la dhameystiray ayaa weli taagan, iyadoo dhinacyadu ay kala qabsadeen maxaabiis badan, kuwaas oo aan weli la is dhaafsan.

