25.8 C
Mogadishu
Thursday, December 4, 2025

Muxuu yahay heshiiska uu maanta meel-mariyay BF Soomaaliya?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 17-aad ayaa ansixiyay heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka ah ee bariga Afrika

Kooramka kulanka oo ku furmay 147-Xildhibaan ayaa marka hore xildhibaanadu akhrinta saddexaad marsiiyeen heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka ah ee bariga Afrika, iyadoo warbixinta akhrinta saddexaad ee heshiiskan golaha u faah-faahiyey Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo ka tirsan guddiga arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Shacabka.

Intaasi kadib mudanayaasha Golaha Shacabka ee baarlamaanka ayaa cod u qaaday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka ah ee bariga Afrika, waxaana ogolaatay 144 xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday, halka laba xildhibaanna ay ka aamuseen.

Dhinaca kale, xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa akhrinta labaad marsiiyey hindise-sharciyeedka daawada, waxaana guddoomiyaha guddiga horumarinta adeegga bulshada ee golaha, xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ay golaha u faah-faahisay warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka daawada, iyadoo sheegtay in hindise sharciyeedkan ay ka talo geliyeen bahda mihnadlayaasha caafimaadka iyo ururada ganacsatada daawoleyda Soomaaliyeed.

Xildhibaanadda ayaa ka dooday qodobada hindise sharciyeedka daawada, iyagoo su’aalo ay ka mid yihiin sida looga hortagi karo daawada dhacday iyo ahmiyadda uu dalka u leeyahay hindise sharciyeedkan weydiiyey Wasiirka Wasaardda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo kulanka joogay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiga horrumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka inuu soo diyaariyo akhrinta saddexaad ee hindise sharciyeedka daawada, isla markaana dib ugu soo celiyaan golaha si cod loogu qaado.

Ugu dambeyn, Mudanayaasha golaha ayaa loo qeybiyey axdiga Ilaalinta yo Isticmaalka wabiyada xuduudaha dhaafsan iyo harooyinka caalamiga ah iyo hindise-sharciyeedka amniga saybarka Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News