26.6 C
Mogadishu
Thursday, December 4, 2025

Maleeshiyada Imaaraadka uu taageero ee STC oo guul ka gaartay qabaa’ilka Sacuudiga…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Sanca (Caasimada Online) –  Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta Yemen (STC), oo taageero milatari iyo mid siyaasadeedba ka hela dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday inay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-haynta magaalada Say’uun. Magaaladan ayaa ah xudunta istiraatiijiga ah ee gobolka Xadramuut, isla markaana ah mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn bariga dalka Yemen. 

Maalmihii u dambeeyay, waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta la isla dhex marayay muuqaallo muujinaya ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan STC oo ku sii qulqulaya dhanka gobolka Xadramuut. Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa qeyb ka ah hawlgal ballaaran oo loogu magac daray “Mustaqbalka Rajada Leh”.

Tallaabooyinkan is-xigxigay ee milatari ayaa dhaliyay cabsi xooggan oo laga qabo inuu qarxo dagaal fool-ka-fool ah oo dhex mara xoogagga Imaaraadku dabada ka riixayo iyo maleeshiyaadka qabaa’ilka deegaanka ee garabka ka hela Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Gobolka Xadramuut ayaa ah laf-dhabarta dhaqaalaha Yemen, isagoo ku fadhiya dhul baaxaddiisu le’eg tahay saddex-meelood-meel guud ahaan dalka, wuxuuna kayd ahaan hayaa boqolkiiba siddeetan (80%) saliidda dalkaas, in kasta oo aanay aad u badnayn marka loo eego dalalka kale ee Khaliijka.

Hanjabaadaha iyo xiisadda taagan

Ciidamada loo yaqaan ‘Hadrami Elite Forces’, oo ah garabka milatari ee STC u qaabilsan hawlgalkan, ayaa hanjabaado culus u jeediyay Isbahaysiga Qabaa’ilka Xadramuut ee Sacuudigu taageero. Taliye sare oo ka tirsan ciidamadan, Abu Cali al-Xadrami, ayaa isbahaysiga qabaa’ilka ku eedeeyay inay u adeegayaan “ajandayaal shisheeye” oo lagu wiiqayo himilada STC ee ah in Koonfurta Yemen ay noqoto dal madax-bannaan.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay inaanay “gacmaha laaban doonin” xilli la isku dayayo in awood ciidan lagu maquuniyo gobolka Xadramowt si loo abuuro xaqiiqo cusub.

Dhanka kale, Sheekh Camar Bin Xabriish, oo ah hoggaamiyaha Isbahaysiga Qabaa’ilka, ayaa si kulul ugu jawaabay, isagoo wacad ku maray in tallaabo kasta oo ciidan shisheeye ama mid aan deegaanka u dhalan ay soo galaan Xadramuut lagala hortagi doono awood ciidan. Waxaa xusid mudan in Ciidamada ‘Hadrami Elite Forces’ ay askartooda u badan yihiin gobollada kale ee Koonfurta Yemen, balse aanay u dhalan Xadramuut.

Wareysi uu BBC-da siiyay Talaadadii, ayuu Bin Xabriish ku cambaareeyey isku-dayga STC ee gooni-u-goosadka Koonfurta, isagoo Sucuudiga ugu baaqay inay soo farageliyaan xaaladda ka hor inta aysan faraha ka bixin. Isla maalintaas, shirkadda saliidda ugu weyn Yemen ee PetroMasila, oo xarunteedu tahay Xadramuut, ayaa hakisay soo-saaristii saliidda kadib markii rag hubeysan oo taabacsan isbahaysiga qabaa’ilka ay xoog ku galeen xarunta shirkadda.

Iska-hor-imaadkii garoonka iyo madaxtooyada 

Telefishinka Al-Mayadeen ayaa Arbacadii baahiyay in STC ay la wareegtay magaalada Say’uun kadib dagaallo qaraar oo dhex maray iyaga iyo ciidamada dowladda ee hoos taga Golaha Hoggaanka Madaxtooyada (PLC)—golahan oo ah hay’adda fulinta ee Koonfurta Yemen, kaas oo markii hore taageero ka helayay Sucuudiga iyo Imaaraadka, balse STC ay hadda u muuqato mid ka hor timid.

Dagaalka ayaa ka dhacay qasriga madaxtooyada iyo garoonka caalamiga ah ee Say’uun, waxaana la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan saddex qof.

STC ayaa ciidamada ku sugan Say’uun ku eedaysay inay xiriir la leeyihiin Ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo kooxo xagjir ah. Hase yeeshee, ilo ku dhow isbahaysiga qabaa’ilka ayaa wargeyska al-Akhbar u sheegay in xog sirdoon ay kashiftay qorshe Imaaraadku wato oo uu hoggaaminayo al-Xadrami, kaas oo lagu doonayo in lagu qabsado dhulka saliidda qaniga ku ah ee gobolka.

Qorshahan ayaa la sheegay inuu ku jiro in la jaro waddooyinka saadka ee Sucuudiga iyo in la qabsado xarumaha muhiimka ah iyo waddooyinka lamadegaanka ah ee isku xira Xadramuut iyo xuduudda Sucuudiga.

Hubka Imaaraadka iyo saamaynta juqraafi-siyaasadeed

Falanqeeye dhanka juqraafi-siyaasadeedka ah, Rich Tedd, ayaa toddobaadkan soo bandhigay in ciidamada STC lagu arkay hub ay Imaaraadku bixiyeen, oo ay ku jiraan madaafiicda Shiinuhu sameeyo ee 155mm AH-4 howitzers—kuwaas oo la mid ah nooca la sheegay in Imaaraadku siiyay ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan (RSF). Sidoo kale, gawaarida gaashaaman ee lagu sameeyo Imaaraadka ayaa lagu arkay gacanta ciidamada taabacsan STC.

Ugu dambeyntii, shabakadda Middle East Eye ayaa bishii Oktoobar daabacday warbixin sheegaysa in xarumo ku yaalla labada jasiiradood ee Cabdil-Kuurii iyo Samxa, oo ay maamusho STC, ay qayb ka noqdeen shabakad saldhigyo ciidan ah oo ku yaalla Gacanka Cadmeed, kuwaas oo dhammaantood ku jira gacanta iyo saamaynta tooska ah ee Imaaraadka Carabta.

- Advertisement -

Read more

Local News