Tel Aviv (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa u digtay Soomaaliya, kadib markii ay sheegtay in Soomaaliya ay noqotay goob uu Turkigu saameyn ballaaran ku yeeshay.
Shay Gal oo ah la-taliye sare oo ka tirsan dowladda Israa’iil ayaa tilmaamay in Soomaaliya noqotay goob lagu tijaabinayo gantaalka Tayfun, oo uu sheegay in loogu hanjabay Giriigga iyo Israa’iil.
Shay Gal oo hore u ahaa ku-xigeenka xiriirka dibadda ee Israa’iil ayaa farriin u diray Turkiga, isagoo yiri “Fogaanta Soomaaliya ma ah mid ka badan Iiraan.”
Gal ayaa sheegay in maamulka Israa’iil uu si dhow ula socdo xaaladda, isagoo ku daray in Turkigu ka dambeeyo saldhig ku yaal gudaha Soomaaliya oo lagu tababaro tiro badan oo askar ah.
Sidoo kale Shay Gal wuxuu sheegay in arrintan ay tahay mid dhab ah oo socota, isla markaana Giriigga iyo Israa’iil ay kordhiyeen kormeerka iyo xog ururinta ku saabsan tijaabo kasta oo Turkiga ka fuliyo Soomaaliya.
Qoraalkan ayaa kasoo baxay Israa’iil, xilli dhowaan Turkigu uu amar xirid ah kusoo rogay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu iyo 36 masuul oo kale, arrin la xiriirta dagaalka ka socda Gaza ee lagula jiro Xamaas.
Arrintan ayaa sidoo kale imaneysa xilli dowladda Turkiga ay ku hawlan tahay mashruucii u ballaarnaa ee gudaha Soomaaliya, kaasi oo ah dhismaha saldhig dayax-gacmeedka laga diro.
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, ayaa ku dhawaaqay in dhawaan ay Soomaaliya ka diri doonaan dayax-gacmeed, taas oo qayb ka ah iskaashiga sii xoogeysanaya ee labada dal ka dhexeeya.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dhismaha saldhigga laga maamuli doono dayax-gacmeedka uu socdo, isla markaana mashruucani uu barbar socdo hawlaha kale ee Turkidu ka wado Soomaaliya, sida kuwa amniga, ganacsiga iyo gargaarka bani’aadantinimo.

