Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay shir xasaasi ah la yeeshay madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle.
Madaxda saddexdan maamul goboleed ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay ka biyo-diideen ololaha siyaasadeed ee deegaannadooda ee qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga dowladda ee JSP.
Madaxweyne Xasan ayaa hadda xoogga saaraya in aanu lumin dowlad-goboleedyadan safkiisa ah, si ay dowladda federaalka ugu sii socoto hannaanka doorashadeeda ee qof iyo cod, oo weli si adag u diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamullada Jubaland iyo Puntland.
Dowladda Federaalka ayaa cagaha la gashay loolanka doorashada qof iyo cod, iyadoo xubnaha Madasha iyo hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland ay qorsheynayaan inay shirweyne ku qabsadaan magaalada, kaas oo la filayo inay uga dhawaaqaan in dalka la badbaadiyo, xilli ay bilooyin kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin maamullada Jubbaland, Puntland, iyo xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ayaa dhawaan si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan in muddo kororsi loo sameeyo Madaxwyene Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo digniin culus kasoo saaray.
Sidoo kale, golaha ayaa si adag u diiday wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka
“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in uu si cad uga soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedaysa muddo-kororsi ay sameystaan hay’adaha dowladda federaalka, natiijo kasta oo ka dhalata doorasho aan heshiis lagu aheyn, iyo wax-ka-baddel kasta oo aan sharci ahayn oo lagu sameeyay ama lagu sameyn doono Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Golaha ayaa markaas farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka iyo inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.
“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan ka qayb-galka badbaadinta mustaqbalka dalka oo ay ugu horreyso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorashada hay’adaha federaalka Soomaaliya.”

