26.6 C
Mogadishu
Thursday, December 4, 2025

War ka cusub shirweynaha mucaaradka ee Kismaayo iyo Jubaland oo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa si habsami leh u socota qaban-qaabada shirweynaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ee Madasha Samatabixinta iyo hoggaannada maamullada Jubaland iyo Puntland.

Shirweynahan ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland, waxaana haatan uu maamulka Jubaland guddi u saaray qaban-qaabada shirka.

Shirweynahan ayaa noqonaya midkii ugu weyn ee mucaaridku ay doonayaan in ay uga hortagaan doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelinteeda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli ay bilooyin kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ah madal ay ku mideysan yihiin maamullada Jubaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ayaa dhawaan si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan in muddo kororsi loo sameeyo Madaxwyene Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus kasoo saaray arrintaas.

Sidoo kale, golaha ayaa si adag u diiday wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in uu si cad uga soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedaysa muddo-kororsi ay sameystaan hay’adaha dowladda federaalka,” ayaa lagu yiri bayaan dhawaan kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

“Natiijo kasta oo ka dhalata doorasho aan heshiis lagu aheyn, iyo wax-ka-baddel kasta oo aan sharci ahayn oo lagu sameeyay ama lagu sameyn doono Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Golaha ayaa markaas farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka iyo inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan ka qayb-galka badbaadinta mustaqbalka dalka oo ay ugu horreyso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorashada hay’adaha federaalka Soomaaliya.”

- Advertisement -

Read more

Local News