26.6 C
Mogadishu
Thursday, December 4, 2025

Golaha Wasiirrada Somalia oo maanta ansixiyay shuruuc iyo heshiisyo muhiim ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah dalka.

Shirka golaha oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sharciyada lagu meel-mariyay waxaa ka mid ah sharciga ciqaabta Soomaaliyeed.

Sharcigan ayaa la sheegay inuu kasoo gudbay la-tashiyo ballaaran oo lagala yeeshay culumada, bulshada rayidka ah iyo sharci yaqaano, lana waafajiyay Diinta Islaamka, dastuurka dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee dhanka xuquuqda aadanaha.

Golaha ayaa si qotodheer uga dooday sharciga dhismaha hay’adda maaraynta deegaanka oo markii ugu horeysay uu dalka yeelanayo, xilli doorsoonka cimiladda uu sii xoogeysanayo, dalkana uu ka jiro xaaluf ba’an.

Sharciyada iyo heshiisyada golaha ansixiyay waxaa ka mid ah:

1.⁠ ⁠Heshiis ss-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya, kaas oo ku saabsan iskaashiga batroolka, gaaska iyo macdanta.

2.⁠ ⁠Hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda qaran ee maareynta deegaanka.

3.⁠ ⁠Hindise sharciyeedka sharciga ciqaabta Soomaaliya.

4. Axdiga caalamiga ah baadi-goobka iyo samatabixinta badda [Axdiga Sar 1979].

5. Axdiyada Geneva – 12 August 1949 [Additional Protocols].

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale dhageystay warbixino la xiriira horumarada laga sameeyay amniga iyo arrimaha doorashooyinka ee qof iyo cod, taas oo weli uu ka taagan muran xooggan.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa golaha faray in kaalin laga geysto hawlaha dhex-dhexaadinta iyo nabadeynta colaadaha beelaha ee ka taagan qeybo ka mid ah dalka, iyada oo hawshan si gaar ah loogu xilsaaray wasaaradda arrimaha gudaha.

- Advertisement -

Read more

Local News