Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay deeq-bixiyayaal ka socday dalalka Midowga Yurub, Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.
Kulankan oo ka qabsoomay dhanka aaladda Zoom-ka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaarta dalka oo haatan maraysa heer khatar ah.
Xaaladda taagan ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay gobollada kala duwan ee Soomaaliya, sida uu sheegay guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka.
Guddoomiye Maxamuud ayaa deeq-bixiyayaasha si faah-faahsan ugu warbixiyay sida abaartu u kala culus tahay gobollada dalka, isagoo xusay in gobollo badan ay ku jiraan xaalad adag oo u baahan gargaar bini’aadannimo oo deg-deg ah.
Deeq-bixiyayaasha ayaa dhankooda muujiyay walaac iyo dareen ku aaddan halista abaarta Soomaaliya oo kasii dareysa.
Sidoo kale waxay ballan-qaadeen inay sii xoojin doonaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya si wax looga qabto xaaladda adag ee ka taagan dalka.
Xaaladda abaareed ee ka taagandalka ayaa laga deyrinayaa, iyadoo guddoomiyaha hay’adda SODMA uu baaq dheer u diray qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah loo dardar-geliyo hawlaha lagu badbaadinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Wuxuu tilmaamay in dalka ay ka jirto abaar ba’an oo si weyn u saamaysay bulshooyinka nugul, taas oo u baahan gurmad deg-deg ah iyo dadaal mideysan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in hay’adda SODMA ay diyaarisay qorshayaal cad oo hagaya gurmadka, isagoo ugu baaqay qurbo-joogta Soomaaliyeed inay kaalin weyn ka qaataan gurmadka, maadaama ay weli yihiin laf-dhabarka dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.






