Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Mudane Axmed Jumca Al-Rumayti ayaa ka hadlay xaaladda soo korortay ee abaaraha, si loo dardargeliyo hawlaha gurmadka ee socda.
Kulanka oo saacado qaatay ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta iyo taageerada howlaha gargaarka bani’aadannimo, maadaama qeybo kamid ah dalka ay ka jiraan abaaro saameyn ku yeeshay nolosha ku dhawaad shan milyan oo qof.
Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay adkeynta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga dhinacyada badan ee u dhaxeeya Soomaaluya iyo Imaaraadka Carabta.
Danjire Axmed Jumca Al-Rumayti oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa xaqiijiyay sida dowladda Imaaraatka ay uga go’antahay arrimaha iskaashiga labada dal, markasta ay dowladdiisa u garabtaagantahay Soomaaliya.
Dhankiisa Ra’iisul wasaare Xamza ayaa uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka taageerada sida mar walba u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo Ra’iisul wasaaraha kulankan ku wehiyay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo mas’uuliyiin kale oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ah, iyada oo kulankan uu ku soo hagaagay xilli dowladda ay waddo dedaalo xooggan oo ay isugu xireyso hawlaha ka jawaabista abaaraha taagan.
Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee taageerada kala duwan siiya Soomaaliya, wuxuuna dalka ka fuliyaa mashaariicyo waa wayn oo muhiim ah.


