Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen deegaanno muhiim ah oo ku yaalla gobolkaasi, kuwaas oo ay ugu sugnaayeen Al-Shabaab
Ciidamada oo maanta qaaday howlgal guuleystay ayaa gudaha u galay tuulooyin hoostaga deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Mid kamid ah saraakiisha ciidamada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladu ay u dhaceen sidii loo qorsheeyay, laguna jabiyay Khawaarijta.
“Howlgallada waxay ka socdaan galbeedka gobolka Hiiraan, qaasatay agagaarka deegaanka Ceel-cadde, si nabad-gelyo ah ayayn ku bilowdeen alxm, wax dhibaato ah ma jiraan dhufeyso badana waa la burburiyay” ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidamada.
Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen illaa 9 deegaan, ayna bururiyeen dhufeysyadii ay ku lahaayeen halkaasi.
“Illaa 9 deegaan ayaa la wareegnay oo aan ka saarnay cadowga, hadda ciidamada waxay kusii jeedaan deegaanno horleh” ayuu sii raaciyay.
Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in ciidamada baaritaanno ka wadaan gudaha tuulooyinka ay maanta howlgalada sifeynta ah kula jarmaadeen oo horay ugu sugnayeen kooxda Al-shabaab, si looga xaqiijiyo amniga loogana hortago soo rogaal celinta Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay saartay Shabeellaha Hoose, waxaana ka dhacay howlgallo culus oo lagu jabiyay argagixisada loogana saaray deeganno dhowr ah.
Dagaalladan waxaa barbar socda duqeymo toos ah oo saaxibada caalamiga ah ay ku garaacayaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyada oo lasoo bandhigay gaadiid qaraxyo oo la burburinayo iyo firxadka Al-Shabaab oo la leynayo.
Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca howlgallo iyo dagaallo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku sugan halkaasi.

