26.2 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Imaaraadka oo $23 milyan siiyey kooxda JNIM kadib markii laga afduubtay Amiir

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Warbixin xasaasi ah oo uu daabacay wargeyska Wall Street Journal (WSJ) ayaa shaaca ka qaadday in Dowladda Imaaraadka Carabta—oo ah mid ka mid ah xulafada ugu dhow ee Mareykanka ku leeyahay Bariga Dhexe—ay bixisay lacag madax-furasho ah oo ka badan $20 milyan, isla markaana ay gacan ka geysatay sii-deynta tobaneeyo dagaalyahan, si ay u badbaadiso xubin ka tirsan qoyska boqortooyada Dubai oo ay afduub u haysteen faraca Al-Qaacida ee Galbeedka Afrika. 

Sida ay saraakiil Reer Galbeed ah u xaqiijiyeen wargeyska, heshiiskan qarsoodiga ahaa wuxuu isugu jiray lacag caddaan ah iyo sii-deynta maxaabiis Islaamiyiin ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Maali. Dhaqaalahan xooggan iyo maxaabiista la sii daayay ayaa toos u galay gacanta kooxda Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM), oo ah garabka ugu awoodda badan Al-Qaacida ee gobolka Saaxil. 

Tallaabadan ayaa kusoo beegantay xilli kooxda JNIM ay go’doomin culus kusoo rogtay caasimadda Bamako, ayna halis ku tahay jiritaanka xukuumadda dalkaas oo ay ku nool yihiin 25 milyan oo qof.

Wargeyska ayaa sheegay in afhayeenno u hadlay Imaaraadka, Maali iyo Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay ka gaabsadeen inay ka jawaabaan codsiyo la xiriira arrintan.

Wall Street Journal ayaa farta ku fiiqday in bixinta madax-furashadan ay iftiimineyso doorka mugdigu ku jiro ee Imaaraadka. Inkasta oo Abu Dhabi ay tahay saaxiib amni oo muhiim u ah Washington, haddana waxay marar badan fulisaa ajandeyaal u gaar ah oo ka hor-imanaya danaha Mareykanka. 

Imaaraadka ayaa xiriir caadi ah la sameystay Israa’iil, wuxuuna martigeliyaa ciidamo Mareykan ah, balse dhanka kale wuxuu wajahayaa eedeymo culus oo la xiriira inuu hubeyso xoogagga Rapid Support Forces (RSF) ee dalka Suudaan—maleeshiyaad uu Mareykanku ku eedeeyey inay xasuuq ka geysteen Darfur.

Haatan, wargeyska ayaa qoray in Imaaraadku uu “dib u buuxiyay khasnadda dagaalka” ee mid ka mid ah kooxaha ugu khatarta badan Al-Qaacida, xilli ay kooxdaasi ku sii siqayso caasimadda Maali, isla markaana ay jartay sahaydii shidaalka ee dadweynaha.

“Madax-furashadan xad-dhaafka ah ee Abu Dhabi ay siisay JNIM waxay timid xilligii ugu xumaa,” ayay tiri Justyna Gudzowska, oo ah agaasimaha fulinta ee hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee The Sentry. Waxay intaas ku dartay, “Duritaan dhaqaale oo intaas la eg waa guul weyn oo u soo hoyatay kooxda, wuxuuna u sahli doonaa inay ballaariso damaceeda xagjirnimo ee qaaradda.” 

Qofka la afduubtay oo lagu magacaabo Sheekh Axmed bin Maktuum bin Jumca al-Maktuum, oo 78 jir ah, kana tirsan qoyska maamula Dubai, ayaa lagu qafaashay weerar bishii Sebtembar ka dhacay beer uu ku lahaa koonfurta Bamako. Sheekha ayaa xiriir la lahaa ganacsiga dahabka ee Maali. Muuqaal ay baahisay kooxdu ayaa muujinayay dabley gudaha u galeysa hangaar lagu keydiyo diyaaradahiisa gaarka ah.

Ganacsatada Imaaraadka ayaa raad weyn ku leh dalka Maali, kaas oo inta badan dahabkiisa u dhoofiya Dubai. Kadib afduubka, ergooyin ka socda qoyska Dubai ayaa la kulmay saraakiil Maali ah iyo dhex-dhexaadiyeyaal, oo uu kamid yahay Axmed Ag Bibi, oo ah nin Tuareg ah oo horay usoo ahaa dagaalyahan Islaami ah, xiriirna la leh hoggaamiyaha JNIM, Iyad Ag Ghali.

Amiirka iyo labo qof oo kale ayaa la sii daayay dhammaadkii bishii Oktoobar, kadib markii la bixiyay lacag caddaan ah oo u dhiganta ugu yaraan $23 milyan, taas oo laga soo qaaday khasnadaha Imaaraadka loona duuliyay Maali. Diyaarad nooca Gulfstream ah ayaa Amiirka dib ugu celisay Dubai.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli gobolka Saaxil uu la daalaa-dhacayo toban sano oo kacdoon hubeysan ah, kaas oo galaaftay nolosha tobanaan kun oo qof, sababayna afgambiyo is-xigxigay oo ka dhacay Maali, Burkina Faso iyo Niger. Rabshadaha jihaad-doonka ah ayaa sidoo kale u tallaabay dalalka dhaca xeebaha sida Benin, Ivory Coast iyo Togo.

Bishii Oktoobar, kooxda JNIM ayaa sheegatay weerarkeedii ugu horreeyay ee Nigeria. Isla bishaas, dabley ayaa caasimadda Niger ee Niamey ka afduubatay Kevin Rideout oo ah duuliye Mareykan ah oo ka shaqeynayay arrimaha faafinta diinta masiixiga (missionary), kaas oo saraakiil Reer Galbeed ahi sheegeen in loo gacan-geliyay kooxda Daacish ee Saxaraha Weyn (ISGS).

Si kastaba ha ahaatee, Maali ayaa u muuqata dalka ugu dhow inuu burburo. Taliyaha JNIM ee hoggaaminaya go’doominta Bamako ayaa ah isla shakhsigii amray afduubka Amiirka Imaaraadka, waana ninka la filayo inuu faa’iidada ugu badan ka helo madax-furashada ay bixisay Abu Dhabi, sida ay sheegeen saraakiisha la hadlay Wall Street Journal.

- Advertisement -

Read more

Local News