28.3 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Kenya oo xirtay dad ay ku jiraan Soomaali oo loo haysto kiis xasaasi ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Booliska Kenya ayaa howl-gallo ay ka fuliyay magaalada Nairobi waxay gacanta ku soo dhigeen 26 qof oo ay ku jiraan Soomaali.

Dadkan la soo xiray ayaa waxaa loo haysta falal la xiriira samaynta dukumiintiyo dowladeed oo been abuur ah, sida uu sheegay booliska Kenya.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Dambi baarista ee DCI ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay ay iskugu jiraan rag iyo dumar, isla markaana ay qeyb ka yihiin shaqaale ka tirsan dowladda hoose ee Nairobi.

Shaqaalaha ayaa si gaar ah loogu tuhunsan yahay fududeynta samaynta warqado rasmi ah sida shahaadooyin, aqoonsiyo, baasaboorrada iyo adeegyo kale oo dowladeed.

Xubno kamid ah mas’uuliyiinta hoggaanka deegaanka Islii oo Soomaalida ku badan tahay ayaa ka mid noqday dadka la xiray.

Sidoo kale, howl-galka kadib booliska ayaa baaritaanno ka sameeyay guryaha iyo goobo kale oo laga soo qabtay qalab loogu adeegsanayay samaynta dukumiintiyada la sheegay.

Kiiskan xasaasiga ah ayaa loo gudbiyay maxkamad awood u leh dhageysiga dacwaddan, halka dadka la xiray lagu hayo xarumo amni oo si gaar ah loo adkeeyay, sida ay warbaahinta u sheegeen ilo ka tirsan DCI.

Booliska Kenya ayaa sidoo kale baaritaan ku sameynaya adeegyada dowladda hoose ee Nairobi si loo xaqiijiyo in dukumiintiyada la qabtay ay yihiin kuwo lagu sameeyay si sharci darro ah iyo in ay jiraan dad dowladeed oo si khaldan u bixiyay.

- Advertisement -

Read more

Local News