27.3 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Maxaa maanta ka socda degmada Kaaraan? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta xarunta degmada Kaaraan ka socota qaadashada kaarka codbixiyaasha doorashooyinka dalka, halkaas oo shacab badan oo horay isku diiwaan-geliyey ay ka qaadanayeen kaararkooda cod-bixinta.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa kormeer halkaasi ku tegay, kuwaas oo kamid yihiin Wasiirka Warfaafinta, Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Daahir Shire Maxamed iyo Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga, Maxamuud Cabdullahi Abukaate.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa wasiirrada ku soo dhaweeyey xarunta degmada, waxaana dadka kaararka qaadanayey kasoo muuqday tobanaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba ka mid ah, kuwaas oo u heelan inay codkooda dhiibtaan oo door muuqda ay ka qaataan doorashada golaha deegaanka.

Wasiirrada ayaa kormeeray xafiisyada ay ka socoto bixinta kaararka doorashooyinka, iyagoo u kuur-galay habsani u socodka bixinta Kaararka iyo guud ahaan shaqada doorashada ee ka socota degmada Kaaraan.

Wasiir Daahir Shire ayaa sheegay doorashada golaha deegaanka ee gobolka Banaadir ay fure u tahay doorashooyinka dalka oo dhan, isagoo ugu baaqay bulshada inay isku soo baxaan oo awoodooda doorashada ay muujiyaan.

Wasiir Daa’uud Aweys oo isna goobta ka hadlay aya sheegay in doorashooyinka soo socda ee 25-ka bishaan bilaabanaya ay yihiin kuwo xor ah oo qof kasta u codeyn karo urur-siyaasadeedka iyo musharaxa uu doono.

Sidoo kale wuxuu shacabka degmada Kaaraan u sheegay inay qeyb weyn ka yihiin taariikhda Soomaaliya ee qormeysa, kuna dhiirigeliyey in kaararka cod-bixinta ay qaataan, si codkooda ay u dhiibtaan maalinta loo dareerayo doorashada golaha deegaanka.

- Advertisement -

Read more

Local News