29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Baarlamanka Soomaaliya oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan xaaladda Boorama

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta war kasoo saaray xiisadda culus ee ka taagan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, halkaas oo ay weli kasii socdaan rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo bayaanka akhriyay ayaa marka hore sheegay in ay baaq u dirayaan shacabka reer Boorama, wuxuuna ugu baaqay inay ka shaqeeyaan xasiloonida deegaanka.

“Haddaa nahay BFS , gaar ahaan Golaha Shacabka waxaan baaq nabadeed oo ku wajahan xaaladda ka taagan Boorama u direynaa dhammaan shacabka ku nool gobolka Awdal waxaan leenahay inta dhimatay Alle ha u naxariisto” ayuu yiri guddoomiye Abshirow.

Sidoo kale, wuxuu dhinacyada ugu baaqay in miiska wada-hadalka ay ku dhameeyaan khilaafka taagan, si looga hortago in rabshadaha ay sii socdaan.

“Waxaan ku boorineynaa bulshada walaalaha ah ee ku nool gobolka Awdal in ay joojiyaan rabshadaha, ayna wada-hadal ku xalliyaan khilaafaadka dhexdooda ah” ayuu sii raaciyay.

Abshirow ayaa sidoo kale caddeeyay mowqifka baarlamaanka ee ku aadan xaaladda murugan ee ka taagan Boorama, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay garab taagan yihiin shacabka Awdal, isaga oo ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa xal-waar.

“Mar labaad waxaan caddeyneynaa inaan garab taaganahay shacabka Soomaaliyeed ee gobolka Awdal, isla-markaana aan diyaar u nahay inaan kala shaqeyno sidii ay u heli lahaayeen xal waara oo ku dhisan cadaalad, nabad iyo walaaltinimo” ayuu mar kale yiri.

Rabshadaha Boorama ayaa soo bilowday habeen hore kadib markii xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday inay fasaxday bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, waxaana ku dhintay 16 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale.

Xiisadda ayaa ka dhalatay fasaxa bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, kaasi oo beelaha Gadabuursi u arkaan mid looga sheeganayo dhulkooda, halka Ciise uu qabashada bandhigan u arko mid uga adkaaday beelahan, oo iyagu isku hayaan deegaankaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News