28.3 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Shiinaha oo noqday saaxiibka koowaad ee Soomaaliya – Muxuu maanta sameeyay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa mar kale garab istaag u muujisay Soomaaliya, oo haatan qeybo kamid ah wajaheyda xaalad abeereed daran.

Shiinaha ayaa maanta Dowladda Soomaaliya ku wareejiyay hal milyan oo dollar, taasi oo dowladda Beijing ugu deeqday gurmadka abaaraha, taas oo uu si rasmi ah kala wareegay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle.

Munaasabadda ka dhacday xarunta SODMA ayaa deeqdan lacageed ee dhan $1,000,000 waxaa dowladda ku wareejiyay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mr. Wang Yu.

Guddoomiyaha hay’adda SODMA ayaa sheegay in deeqdan ay gacan ka geysan doonto dardar-gelinta adeegyada gurmadka deg-degga ah, gaar ahaan gaarsiinta raashin, biyo nadiif ah iyo adeegyo muhiim u ah dadka nugul ee ay abaaruhu si daran u saameeyeen.

Dhankiisa, Safiirka Shiinaha, Mr. Wang Yu, ayaa caddeeyay in dalkiisu uu mar walba garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana si joogto ah u taageeri doono dadaallada lagu yareynayo xaaladaha bini’aadantinimo ee ka jira Soomaaliya.

Guddoomiyaha SODMA ayaa ugu dambeyntiina xaqiijiyay in hay’addu ay sii wadi doonto wada-shaqeynta dhow ee ay la leedahay dowladda Shiinaha iyo deeq-bixiyeyaasha kale ee caalamiga ah, si loo hubiyo in gargaarka si hufan oo degdeg ah loogu gaarsiiyo dadka ugu Nugul.

Shiinaha ayaa marar kala duwan ugu deeqay Soomaaliya malaayiin dollar, si wax looga qabto xaaladaha adag ee ka taagan dalka, taas oo ka dhigaysa saaxiibka koowaad ee gacan siiya Soomaaliya xilliyada adag.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa isla maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu.

Ra’iisul Wasaaraha oo sii wada hawlaha isku duwista ka jawaabista xaaladaha bini’aadanimo ee dalka ka taagan, jadwalkiisa qaabilista danjirayaasha adduunkana uu xiriirsan yahay, ayaa safiirka Shiinaha uga warbixiyay xaaladda dalka ee dhanka Amniga sida weyn wax looga qabtay, mashaariicda horumarineed ee dalka ka socota, iyo ugu dambayn arrimaha abaaraha.

Mudane Xamza ayaa safiirka uga mahadceliyay kaalinta isgarab-taagga ah ee dowladda Shiinaha had iyo goor ay la barbar taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo xusey mashaariicda iyo arrimaha gargaarka ee Shiinaha ka fuliyay dalka, gaar ahaan gargaarkii la geeyay gobolka Awdal.

Danjiraha Shiinaha Mudane Wang Yu ayaa dhankiisa sheegay in uu ku faraxsanyahay kalsoonida dowladda Soomaaliya u muujisay Shiinaha, isaga oo ku celiyay sida ay u adkaynayaan xiriirka dhinacyada badan ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay tahay in dunida ay indho cusub ku eegto Soomaaliya maadaama ay nabad, xasilooni iyo kala dambeyn ka hirgashay inta badan gayiga Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda, dalkuna uu diyaar u yahay maalgashi toos ah oo caalami ah.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha uu la qaatay safiirka ayaa sidoo kale waxaa ku wehliyay guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka, Maxamuud Macalin Cabdulle iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

- Advertisement -

Read more

Local News