Nairobi (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa kusii qul-qulaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe ayaa galabtii gaaray magaalada Nairobi, halkaas oo qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka ay ku sugan yihiin, halka qaar kalena ay ku sii wajahan yihiin, sida Madaxweynaha Puntland iyo hoggaamiyeyaasha kale ee mucaaradka.
Xubnahan ayaa magaalada Nairobi kula kulmaya beesha caalamka oo indhaha ugu haysa muddo xileedka gabaabsiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Beesha caalamka oo si dhow ula socota xiisadda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaaf hanaanka doorashooyinka qof iyo cod, oo si adag u diidan yihiin xubnaha ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Mareykanka oo ugu horreeyaalalka wakiiladiisu la lulmayaan xubnahan, ayaa waxay la wadaagi doona aragtidooda ku aadan xaaladda dalka iyo muhiimadda in dalka ka qabsoomto doorasho wadar-ogol ah oo waqtigeeda ku dhacda.
Arrimahan ayaa dib usii dhigaya shirweynaha mucaaradka uu bishaan ku lahaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland, xilli ay billooyin kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirweynaha Kismaayo ayaa lagu wadaa inuu noqdo midka ugu weyn ee mucaaridku qabsado, iyadoo qaban-qaabadiisa wadaan Jubaland, Puntland iyo Madasha Mucaaridka oo ku midaysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in siyaasiyiin kale oo qeyb ka aheyn golaha ay qeyb ka noqdaan.
Shirweynahan ayaa qorshuhu yahay in looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelinteeda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dhawaan uu goluhu si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan in muddo kororsi loo sameeyo Madaxwyene Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus kasoo saaray arrintaas.
Sidoo kale, golaha ayaa si adag u diiday wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka
“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in uu si cad uga soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedaysa muddo-kororsi ay sameystaan hay’adaha dowladda federaalka,” ayaa lagu yiri bayaan dhawaan kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
“Natiijo kasta oo ka dhalata doorasho aan heshiis lagu aheyn, iyo wax-ka-baddel kasta oo aan sharci ahayn oo lagu sameeyay ama lagu sameyn doono Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.
Golaha ayaa markaas farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka iyo inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.
“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan ka qayb-galka badbaadinta mustaqbalka dalka oo ay ugu horreyso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorashada hay’adaha federaalka Soomaaliya.”

