28.3 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Soomaaliya iyo Qatar oo maanta kala saxiixday 4 heshiis oo cusub (Aqriso)

Bookmark
Bookmarked

Share

Dooxa (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa maanta kala saxiixday heshiisyo cusub, kuwaas oo gaaraya illaa afar heshiis oo muhiim u ah horumarinta iskaashiga labada dal.

Heshiisyadan ayaa waxaaa labada dal u kala saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali iyo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar, Mudane Soltan bin Saad Al-Muraikhi.

Heshiisyadan ayaa qalinka lagu duugay intii lagu guda jiray kalfadhigii koowaad ee Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar. Labada dowladood ayaa guddigan u aas-aasay in lagu xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Heshiisyada ay maanta labada dal kala saxiixdeen ayaa kala ah:

1. Heshiiska hidaha iyo dhaqanka (wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare)

Soomaaliya iyo Qatar waxay iska kaashan doonaan xoojinta iskaashiga maktabadaha iyo hay’adaha kaydka taariikhiga ah, abaabulka xafladaha dhaqanka iyo bandhigyada fannaaniinta.

Sidoo kale waxay iska garabsan doonaan gudbinta iyo kobcinta aqoonta farshaxanka iyo dhaqanka, iyo ka qaybgalka bandhigyada buugaagta caalamiga ah ee ay wada qabtaan labada waddan.

2. Heshiiska kastamada (wasaaradda maaliyadda)

Heshiisku wuxuu kor u qaadaya hirgelinta sharciga kastamka, xakamaynta iyo la-dagaallanka dembiyada kastamka, hubinta qiimeynta saxda ah ee canshuuraha iyo kharashyada, ilaalinta habraacyada iyo xeerarka kastamka, iyo la-dagaallanka xadgudubyada iyo tahriibinta, iyadoo la tixgelinayo heshiisyada heer gobol iyo caalami.

3. Heshiiska dhalinyarada (wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha)

Heshiisku wuxuu xoojin doonaa iskaashiga iyo is-dhaafsiga ka-qaybgalayaasha ururada dhalinyarada, ka qayb-galka shirarka iyo siminaarada, sahaminta xeryaha dhalinyarada, iyo tababarka maaraynta mashruuca iyo xirfadaha hoggaamineed.

4. Heshiiska beeraha (wasaaradda beeraha iyo waraabka)

Soomaaliya iyo Qatar waxay iska kaashan doonaan xoojinta wax soo saarka beeraha iyo cuntada, is-dhaafsiga khibradaha iyo xogaha sayniska, abaabulka shirarka iyo siminaarada, isticmaalka teknoolojiyada casriga ah, bacriminta, iyo maareynta kaydinta iyo aqalka dhirta lagu koriyo (green House).

Heshiisyadan ayaa la sheegay inay astaan u yihiin go’aanka labada dowladood ee ku aaddan xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee dhinacyada dhaqanka, dhalinyarada, beeraha iyo kastamka, iyagoo ka tarjumaya himilo wadajir iyo horumar waara.

- Advertisement -

Read more

Local News