29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Madasha Samatabixinta oo si adag uga hadashay wixii ka dhacay Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareysay wixii shalay ka dhacay xaafadda Dab-damiska ee degmada Wadajir, halkaasi oo iska hor imaad uu ku dhexmaray ciidanka iyo shacab gadoodsan.

Madasha ayaa muujisay sida ay uga xun tahay dhacdadaasi, iyadoo si adag u cambaaraysay xad-gudubyada isugu jira handadaada, jirdilka iyo xarigga lagula kacay shacabka xaafadda Dab-damiska.

“Sida ay ogaatay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, shacabka dhibaatooyinka kala duwan loogu gaystay Dab-damiska waxay ahaayeen danyar hore looga barakiciyay guryahooda oo isugu yimid si ay u muujiyaan cabashadooda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Madasha.

Sidoo kale Madasha ayaa ciidammada amniga iyo mas’uuliyiinta dowladda uga digtay “tallaabooyinka aan sharciga ahayn iyo falalka arxandarrada ah” ee lagula kacayo danyarta dhibban ee cabanaya, iyadoo ku baaqsay in deg-deg xorriyadooda loo siiyo shacabka “sida sharci darrada ah u xiran.”

Xaafadda Dab-damiska ayaa waxaa in muddo ah ka taagnaa xiisad xooggan oo la xiriirta dhulka danta guud, kadib markii ay dowladda, si qasab ah dhulkaas uga saartay shacabkiisa deganaa.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka:

Canbaarayn

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay ka xuntahay isla markaana si adag u canbaaraynaysaa xadgudubyada isugu jira handadaada, jirdilka, iyo xariigga ee maanta loo gaysatay shacabka laga barakiciyay xaafadda Dab-damiska ee degmada Wadajir.

Sida ay ogaatay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, shacabka maanta dhibaatooyinka kala duwan loogu gaystay Dab-damiska waxay ahaayeen danyar hore looga barakiciyay guryahooda oo isugu yimid si ay u muujiyaan cabashadooda.

Waxay mudnaayeen in la dhagaysato oo ay caddaalad helaan, waxaase loogu badalay xadgudubyo ka waaweyn kuwii hore ugu dhacay.

Shacab cabanaya isla markaan muujiinaya dareenkooda la xiriira boobka iyo barakicinta lagula kacay in handadaad, jirdil iyo xarig loogu daraa waxay baal marsantahay dhammaan shuruucda dalka.

Sidoo kale waxay meel ka dhac ku tahay xuquuqda muwaaddinka ee aasaasiga ah, tusaalana ka tahay sida hoggaankii dalku uga leexdeen ujeeddooyinkii laga lahaa dhismaha dowlad Soomaaliyeed.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, waxay ciidammada amniga iyo mas’uuliyiinta dowladda uga digaysaa tallaabooyinka aan sharciga ahayn iyo falalka arxandarrada ah ee lagula kacayo danyarta dhibban ee cabanaya, waxayna ku baaqaysaa in deg deg xorriyadooda loo siiyo shacabka sida sharci darrada ah u xiran.

Ugu danbeyn, Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay mar kale ugu baaqaysaa Madaxweynaha DFS in uu joojiyo boobka, barakicinta iyo xadgudubyada joogtada ka noqday caasimadda dalka, kuwaas oo sameeyay dadkii ugu nuglaa ee danyarta ahaa, dhawaacyayna sumcaddii dowladnimada iyo qaranakaba.

- Advertisement -

Read more

Local News