29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Xogta xaaskii iyo caruurta Cabdul Qaadir Muumin iyo dalka ku nool yihiin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) — Wadaadka Soomaaliga ah ee Cabdulqaadir Muumin, oo si weyn loo hadal-hayo inuu noqday hoggaamiyaha guud ee cusub ee kooxda Daacish, ayaa la rumeysan yahay inuu xilligan ku dhuumaaleysanayo godad iyo buuraley ku yaalla waqooyiga Soomaaliya.  

Hase yeeshee, halka uu ninkaasi ku jiro dhuumashadaas, xaaskiisa British-Soomaaliga ah ee ay kala tageen iyo saddex carruur ah oo uu dhalay ayaa si xasillooni iyo qarsoodi ah ugu nool magaalada Slough ee dalka Ingiriiska, sida uu shaaciyey wargeyska Daily Mail.

Muumin, oo horey wadaad uga soo ahaan jiray magaalooyinka London iyo Leicester, isla markaana heystay dhalashada Ingiriiska, ayaa dowladaha Reer Galbeedku muddo dheer u aqoonsanaayeen inuu yahay astaanta ugu weyn ee garabka Daacish ee Soomaaliya.

Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa ninkan ku dartay liiska “Argagixisada Caalamiga ah ee sida gaarka ah loo calaamadeeyay,” iyadoo la raacayo cunaqabateynta la dagaallanka argagixisada.

Nolosha magaalada Slough

Iyadoo ay u dhexeyso masaafo kumanaan kiiloomitir ah goobta la tuhunsan yahay inuu kaga dhuumaaleysanayo buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland, qoyska Muumin waxay nolol caadi ah ku qaadanayaan guryaha danta guud (council estate) ee gobolka Berkshire ee dalka Ingiriiska.

Xaaskiisii hore, Muna Cabdulle, oo ah 43-jir haysata dhalashada Ingiriiska iyo Soomaaliya, ayaa aqal labo qol ah magaalada Slough kula nool wiil 20-jir ah iyo laba gabdhood oo da’doodu kala tahay 18 iyo 17 sano.

Muna waxay ka shaqeysaa shirkad maxalli ah oo dhanka caafimaadka ah, waxaana la xaqiijiyay inay carruurta soo korisay kaligeed tan iyo markii uu Muumin si lama filaan ah uga hayaamay Ingiriiska sannadkii 2010-kii, isagoon cidna ku wargelin.

Muna Cabdulle ayaa horay u sheegtay in ninkaasi uu “dayacay” qoyska, isla markaana aanay cidina xiriir la sameynin in ka badan toban sano.

Dadka ay saaxiibada yihiin qoyska ayaa sheegay in carruurtu ay garanayaan cidda uu aabahood yahay, balse aysan dooneynin inay wax lug ah ku yeeshaan noloshiisa. Ma jirto wax shaki ah ama eedeyn ah oo carruurtaas looga haysto dhanka sharciga.

Safarkii Ingiriiska ilaa Soomaaliya

Muumin wuxuu ka soo cararay dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya, isagoo markii hore degay dalka Sweden horraantii sagaashameeyadii, ka hor inta uusan u wareegin Ingiriiska qiyaastii sannadkii 2003-dii. Wuxuu wadaad ka noqday magaalada Leicester iyo markii dambe masaajid ku yaalla Greenwich ee koonfur-bari London, halkaas oo uu ka noqday waji si weyn looga yaqaanno maqaayadaha iyo goobaha cibaadada ee Soomaalida.

Warbixinnada laga helay Ingiriiska ayaa xiriiriyay in kooxdii uu ku lahaa Greenwich ay ka mid ahaayeen dhallinyaro lagu shubay afkaarta xagjirnimada, kuwaas oo qaarkood markii dambe ku lug yeeshay weerarro ka dhacay gudaha Ingiriiska. Cadaadis kaga yimid laamaha amniga awgiis, wuxuu dalkaasi ka baxay sannadkii 2010-kii, isagoo dib uga soo muuqday gudaha Soomaaliya.

Xogaha laga helayo gobolka ayaa tilmaamaya inuu muddo ku sugnaa dalka Kenya, ka hor inta uusan ku biirin kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, isagoo saldhig ka dhigtay Puntland. Waxaa la weriyay inuu halkaas ku gubay baasaboorkiisii Ingiriiska fagaare ay taageerayaashiisu joogeen.

Sannadkii 2015-kii, wuxuu shaaciyay inuu bayco la galay hoggaamiyihii Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya, isagoo halkaas ka asaasay waxa loogu yeero Daacish-ta Soomaaliya.

Xarunta Daacish ee Soomaaliya

In kasta oo tirada dagaalyahannadoodu ay yar tahay, Daacish-ta Soomaaliya ayaa hadda loo arkaa mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee kooxdaasi ku haray caalamka.

Saraakiisha Reer Galbeedka ayaa sheegaya in unug fadhigiisu yahay Soomaaliya, oo loo yaqaanno Xafiiska Al-Karrar, uu maamulo dhaqaalaha iyo taageerada laamaha Daacish ee qaaradda Afrika oo dhan.

Qiimeyn ay sameysay dowladda Mareykanka ayaa lagu qeexay in shabakaddan ay dhaqaale ku ururiso baad ay ka qaadaan ganacsiga, dekedaha, iyo xoolaha nool, iyagoo lacagtaas ku kala gudbiya qaab gacan-ka-gacan ah, shabakadaha xawaaladaha, iyo shirkado ganacsi oo magac u yaal ah.

Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in doorkan maaliyadeed uu Muumin siiyay awood iyo saameyn ka ballaaran furimaha dagaalka ee uu ku sugan yahay.

Dhanka kale, ciidamada Puntland iyo kuwa Federaalka Soomaaliya, oo taageero dhanka sirdoonka iyo duqeynta ah ka helaya Mareykanka, ayaa sannadkii la soo dhaafay kordhiyay weerarrada ay ku beegsanayaan fariisimaha Daacish ee buuraleyda Cal Miskaad.

Saraakiisha ayaa sheegay inay dileen dagaalyahanno ajnabi ah iyo taliyayaal dhexe, balse waxay qirteen in Muumin uu dhowr jeer si dirqi ah kaga badbaaday weerarradaas.

Taliyayaasha ciidamada la dagaallanka argagixisada ee Puntland ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ee howlgalkoodu tahay sidii loo qaarijin lahaa Muumin, iyagoo ku doodaya in dilkiisu uu noqon doono dhabar-jab weyn oo dhanka niyadda iyo howlgallada ah oo ku dhaca Daacish-ta Soomaaliya.

Qoyska oo iska beri-yeelay

Dhanka maamulka Ingiriiska, soo laba-kacleynta magaca Muumin waxay dib u soo celisay su’aalo adag oo ku saabsan sida wadaad ka shaqeyn jiray masaajidda Ingiriiska uu ku noqday maskaxda maamusha shabakad jihaadi ah oo caalami ah.

Hase yeeshee, Muna Cabdulle iyo carruurteeda, arrintu waa mid xanuun shakhsi ah xambaarsan.

Saaxiibada qoyska ayaa sheegay in Muna ay sannado badan ku bixisay ka jawaabista su’aalo adag xilli carruurteedu ay internet-ka ka aqrisanayaan wararka aabahood, iyadoo isku dayeysa inay ka ilaaliso saameynta ficilladiisa.

Waxaa laga soo xigtay inay sheegtay in aanay la socon wararka ku saabsan dallacsiintiisa kooxda Daacish dhexdeeda, islamarkaana qoyskeedu “aanay wax shaqo ah ku lahayn isaga,” iyagoo isku dayaya inay nolol ka madax-bannaan ku noolaadaan magaalada Slough. 

- Advertisement -

Read more

Local News