29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Jubaland oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka Luuq + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Luuq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland,Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo haatan ku sugan gobolka Gedo ayaa qaaday tallaabo lagu soo afjarayo xiisadda beeleed iyo dagaallada kusoo noq-noqday degmada Luuq ee gobolkaasi.

Maxamuud Sayid ah oo oo hadda ah ku-simaha Madaxweynaha Jubbaland, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta ee beelaha walaalaha ah ee muddooyinkii dambe ku dagaallamayay degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Shirkan oo socon doono dhowr cisho ayaa waxaa ujeedkiisu lagu soo koobay 4 qodob, sida lagu caddeeyay warsaxaafadeed kasoo baxay Jubbaland, kuwaas oo kala ah;-

  • In la soo afjaro colaadaha soo noqnoqday ee ka dhacay degmada Luuq.
  • In la dhiirrigeliyo nabad waarta, wada-noolaansho iyo xasilooni.
  • In beelaha walaalaha ah ay si furan uga wada hadlaan khilaafaadkooda.
  • In la dhiso hannaan heshiis oo lagu kalsoonaan karo oo mustaqbalka looga hortago dagaallada.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo ku baaqay in dhammaan dhinacyadu muujiyaan is-maqal, isu-tanaasul iyo wadashaqeyn, si loo gaaro xal dhab ah oo dan u ah shacabka deegaanka iyo guud ahaan Jubbaland.

Waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay, sida ay muhiim u tahay in la ilaaliyo amniga, lana dhiirri-geliyo dadaallada nabadaynta ee ay wadaan odayaasha dhaqanka, maamulka deegaanka iyo bulshada rayidka ah.

Sida qorshuhu yahay shirweynahan ayaa la filayaa inuu noqdo mid dhidibada u taaga nabad iyo wada-jir, isla markaana soo afjarta colaadaha mudada dheer saameynta ku yeeshay nolosha shacabka Luuq.

Gedo ayaa waxaa kusoo laa laabtay colaad beeleedyada iyo xiisad kale oo siyaasadeed oo u dhexeysa dowladda federaalka iyo Jubbaland, taas oo illaa iyo hadda ka taagan gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News