Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay in ururradii ugu badnaa ee siyaasadeed ay soo gudbiyeen liiska murashaxiintooda.
Ururadan oo gaaraya illaa 12, ayaa waxay guddiga u soo gudbiyeen liiska murashaxiinta ugu tartamaya doorashada golaha deegaanka ee gobolka Banaadir, kaas oo la filayo in daba-yaqaada bishan ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.
Ururrada siyaasadda ee liiska murashaxiinta soo gudbiyey waxaa ka mid ah:
- Urur Siyaasadeedka Ramaas
- Urur Siyaasadeedka Karaama
- Urur Siyaasadeedka Midowga Soomaaliya Saab
- Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka
- Urur Siyaasadeedka Madalsan
- Urur Siyaasadeedka Dib u Heshiisiinta iyo Hormarinta Towfiiq
- Urur Siyaasadeedka Horumar & Midnimo Qaran
- Urur Siyaasadeedka Midnimada Shacabka
- Urur Siyaasadeedka Qaranka ee Dimuqraadiga ah
- Urur Siyaasadeedka Qiimo Qaran
- Urur Siyaasadeedka Dowlad Wanaagga Soomaaliyeed
- Urur Siyaasadeedka Muwaadiniinta Soomaaliyeed
Tallaabadan ayuu guddigan sheegay inay qeyb ka yihiin dadaallada lagu doonayo in doorashada soo socota ay u dhacdo si hufan, daahfuran, isla markaana waafaqsan jadwalkii rasmiga ahaa ee guddiga hore u shaaciyey.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa ugu baaqay ururrada siyaasadda ee aan weli soo gudbin liiska murashaxiinta inay ku soo gudbiyaan waqtiga kama dambaysta ah ee loo asteeyey, oo ah 10-ka December.
Sidoo kale wuxuu ku booriyay dhammaan ururada siyaasadda ay soo dhameystiraan dhamaan habraacyada, si doorashada ay u noqoto mid hufan, waafaqsan shuruucda doorashooyinka, oo ka tarjumaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Si kastaba, Daba-yaqaada bishan ayaa la qorsheynayaa in magaalada Muqdisho ay ka qabsoonto doorasho dadweyne, iyadoo dad ku dhow hal milyan oo qof ay isu diiwaan-geliyeen doorashooyinkan, xilli ay siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamullada Puntland iyo Jubaland si adag uga horyimaadeen hanaankan doorasho.












