Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin dheeraad ah kasoo saartay howlgal qorsheysan oo ciidanka NISA ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan.
Howl-galkan oo si gaar ah uga dhacay tuulada Biyo Madoobe oo hoostagta deegaanka Jicibow ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Duqeyntan ayaa sidoo kale waxaa lagu burburiyay gaari xamuul ahaa oo kooxda u siday rasaas tira badan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay hay’adda NISA.
“Ciidanka oo kaashanaya saaxiibada caalamka, oo maanta howlgal qorsheysan ka fuliyey tuulada Biyo Madoobe oo hoostagta deegaanka Jicibow ee gobolka Hiiraan, ayaa halkaas ku dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyadoo sidoo kale la burburiyay gaari nooca xamuulka ah oo ay Khawaarijtu kusoo rareen rasaas fara badan oo jawaanno lagu cabbeeyay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA.
Howl-galkan ayaa qeyb ka ah howlgallada ciidanka NISA ay ku beegsanayaan goobaha muhiimka ah ee Al-Shabaab, xilli ay dhawaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ku guuleysteen inay khaarajiyaan Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal oo ahaa horjoogaha jabhadaha Al-Shabaab ee gobolka Sh/Dhexe.
Ninkan ayaa ka mid ahaa maleegayaasha weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, waxaana ugu dambeyn xalay lagu khaarijiyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele, oo 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud.
Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay hoos u dhacay, waxaana illaa hadda ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xaqiijiyeen bartilmaameedyo muhiim ah.

