24.4 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

David Miliband oo yimid Muqdisho iyo kulan heer sare oo ka dhacay xafiiska Xamza

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee hay’adda caalamiga ah ee samafalka ee International Rescue Committee (IRC), David Miliband oo booqasho shaqo ku yimid dalka.

Kulankan heerkiisu sarreeyo ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo agaasimuhu kaga wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga bani’aadannimo iyo in gurmad degdeg ah la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta daran ee ka jirta qeybo ka mid ah dalka.

Sidoo kale waxaa la isla soo qaaday in tiro dhan 4.4 milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah inay u baahan yihiin gurmad, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu muujiyey wel-welka xukuumadda ee ku aaddan xaaladda dadkaas.

David Miliband ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya dadaallada ay waddo waxaana uu ballan qaaday in IRC ay kordhin doonto kaalmada bini’aadannimo si loogu gurmado dadka u baahan ee abaaruhu saameeyeen.

Waxa kale oo uu ka hadlay in IRC ay qeyb ka tahay mashaariicda horumarinta, waxna ka qaban doonto, isaga oo dhanka kale sheegay in uu Beesha Caalamka uga ergeyn doono arrimaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku boggaadiyay Mudane David iyo IRC in waxtarkooda ay ku saleeyaan xalka waara, wuxuuna xusay in xukuumadda ay danaynayso sidii dadka Soomaaliyeed oo dhan u gaari lahaayeen heer isku filnaansho ah, caalamkana taas uu kala shaqeeyo dowladda.

Mudane Xamza ayaa hadyaddo guddoonsiiyay David Miliband oo mar noqday Xoghayaha Arrimaha Dibedda Boqortooyada Ingiriiska, haatana ah madaxda samofalka caalamka ugu caansan, wuxuuna si gaar ah uga mahadceliyay maadaamaa uu tixgalin gaar ah soo siiyay imaanshaha Soomaaliya xilli loo baahnaa.

Kulankan dhex’maray Ra’isul Wasaaraha iyo madaxda ugu sareysa IRC ayaa imanaya xilli Xamza Cabdi Barre uu sii wado hawlaha isu duwista iyo isku xirka ka jawaabista xaaladda abaarta dalka ka taagan.

- Advertisement -

Read more

Local News