New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta yeelanaya kulan gaar ah oo lagu eegayo cusboonaysiinta howl-galka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaas oo waqtigiisu ku egyahay 31-ka December 2025.
Howl-galka AUSSOM ayaa haatan wajahaya culaysyo dhaqaale, kadib markii qaar ka mid ah dalalkii maalgelin jiray ay gabi ahaanba joojiyeen taageerada, halka kuwo kale ay si weyn u dhimayaan.
Waxaa socda dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu raadinayo in dalalkaas lagu qanciyo inay gacan ka geystaan kharashaadka howl-galka.
Sidoo kale, fadhiga Golaha Ammaanka waxaa lagu qiimeynayaa qaraarka tirsigiisu yahay 2713, oo diiradda saaraya xanibaadda Badda si looga hortago in kooxda Al-Shabaab ay adeegsan karaan marinada badda. Qaraarkan ayaa waqtigiisu ku egyahay 13-ka bishan.
Golaha Ammaanka ayaa muujiyay walaac ku saabsan in howlaha iyo qaraarradan isku sidkan ay halis u galaan taageerada caalamiga ah, maadaama muddo dheer laga shaqeynayay la-dagaallanka Al-Shabaab, sida ay sheegeen xubnaha Golaha.
Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale dhageysanaya warbixin ay soo gudbinayaan wakiilladiisa Soomaaliya, taas oo ka hadleysa waxyaabaha u qabsoomay howl-galka, muhiimadda muddada kordhinta iyo caqabadaha dhaqaale ee weli saameynaya AUSSOM.
Si kastaba, arrimahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo howl-galka AUSSOM uu wajahayo caqabado dhaqaale oo saameynaya shaqada AUSSOM iyo xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).
Caqabadahan ayaa halis ku ah howlaha amni iyo xasilin ee dalka. Midowga Afrika ayaa dhawaan ku baaqay in beesha caalamku si degdeg ah u xaqiijiso maal‑gelin joogto ah, si loo hubiyo in ciidanka AUSSOM uu mushaharkiisa, sahaydiisa, iyo howl-galladiisa u helaan taageero buuxda.

