Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgal culus ka fuliyey deegaanka Towfiiq ee hoostaga degmada Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.
Ciidanka ayaa nolosha kusoo qabtay xubno ka tirsanaa kooxda Khawaarijta oo ku sugnaa aagga deegaanka Towfiiq, waxaana ku jiray wiil uu dhalay hoggaamiye ka tirsan Shabaab.
“Howlgalkan waxaa lagu soo qabtay labo dhagar-qabe oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta argagixisada, kuwaas oo ku howlanaa baad iyo dhibaateynta shacabka deegaanka” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga.
Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Mid ka mid ah dhagar-qabayaashan, oo lagu magacaabo Sakariye, ayaa baaritaan kadib lagu ogaaday inuu yahay wiil uu dhalay Macallin Cabdirahmaan, oo ka mid ah horjoogayaasha Khawaarijta ee ay Ciidamada Qaranku ku raad joogaan”.
Inta uu socday howlgalka waxaa sidoo kale gacanta lagu soo dhigay mooto ay raggan u adeegsan jireen gaadiid ahaan, hub iyo agab kale oo muujinaya maleegidda falal argagixiso oo ka dhan ah dadka rayidka ah.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka ciidamada ayaa si wadi doono gulufka ka dhanka ah maleeshiyaadka Khawaarijta, si loogu beegsado goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.
“Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo canaasirta Khawaarijta, laguna xaqiijinayo nabadda iyo amniga shacabka Soomaaliyeed” ayaa lasii raaciyay.
Shabeellaha Hoose ayaa waxaa haatan ka socda howlgal culus oo ay qayb ka yihiin ciidamada howlgalka AUSSOM, waxaana la xoreeyay deegaanno ka tirsan gobolkaasi.

